HomeSomaliland: Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka oo ka shiray Qabsoomidda Doorashooyinka

Somaliland: Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka oo ka shiray Qabsoomidda Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, Guddiga Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare, ayaa maanta shir ka yeeshay Qabsoomidda Doorashooyinka isku Sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May, 2021.

Kulanka oo ku qabsoomay madaxtooyada, waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxaana goob-joog ka ahaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirka Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka (2)Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa ay dhinacyadu si qoto u lafo-gureen sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, islamarkaana uu dhinac waliba diyaar u noqdo inuu u hagarbaxa qabsoomidda doorashada.

Ugu horrayn waxa halkaas warbiximo muhiim ah oo dhinaca doorashada ah, lagaga dhegaystay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxana ay tilmaameen inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay dalka ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalsooni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn madaxda Axsaabta mucaaridka uga mahadnaqay dedaalka iyo daacadnimada ay ka muujiyeen u diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xubnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay dalka ka diyaariyaan doorasho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabsoomiddeedana la wada sugayo.

Madaxweynuhu waxa uu Akhriyey qaar kamid ah qoddobada bud-dhigga u ah shirka ballaadhan ee ay qabsadeen, kuwaas oo ay ugu muc weyn yihiin tirada maalmaha ololaha ay xisbiyadu isla qaateen in la yareeyo maaddaama oo waqtigu kooban yahay, waxana uu yidhi, “Waxaynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.”

Madaxweynuhu isagoo sharraxaya waxyaabaha kale ee shirka la iskula qaatay waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goobtaas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada xisbiyada uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha waxaynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in haddii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka hore waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u imanaysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaanna oo ay dacwad tagtona dacwaddaas waxa ka wakiil ah xisbiyada.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories