HomeSomaliland: Sababaha ay u shaqayn-weyday Wareegto Madaxweyne oo lagu joojiyey Ka-ganacsiga Bacaha

Somaliland: Sababaha ay u shaqayn-weyday Wareegto Madaxweyne oo lagu joojiyey Ka-ganacsiga Bacaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Wasiirka Deegaanka oo Sababaha Arrintan ka hadashay

blankHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda kheyraadka Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Bandare), ayaa sheegtay in lagu guul-darraystay ka midho-dhalinta wareegto madaxweynihii hore ee Somaliland ka soo saaray soo-dejinta iyo ka-ganacsiga Bacaha, waxaanay sababteeda u aanaysay xil-gudasho la’aan ka jirta hay’adaha dowladda qaarkood oo ay sheegtay inay ka gaabiyeen.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu soo saaray bishii April sannadkii 2015-kii ku mabnuucay soo-dejinta iyo Ka-ganacsiga Noocyada Bacaha, waxaana albaabada loo laabay dhowr wershadood oo samayn jiray Bacaha, kuwaas oo markii dambe xukuumaddu u celisay kharash aan ku filnayn oo magdhow ahaan loo siiyey.

Wasiirka Deegaanka oo maanta warbixin ka jeedisay Golaha Guurtida Somaliland, waxa ay sheegtay in inkasta oo la xidhay wershadihii soo saari jiray Bacaha haddana ay dhammaan hay’adihii arrintan ku shaqo lahaa oo wasaaraddeedu ku jirto ay ku guul-darraysteen hirgelinta digreetada lagu joojiyey bacaha oo xilligan laga keeno dalka dibaddiisa intooda ugu badan.

blank“Bacdii oo la mabnuucay 4/4/2015-kii shan sano kadib waxaa la is waydiiyay halkee ayay wax marayaan, shanta sano ee aynu soo dhaafnay joojinta bacdaasi waa aynu ku guuleysan waynay, intayadii shaqada ku laheyd oo dhami, Bacdii magaalada ayay taalla, waana la mabnuucay digreeto ayay ku soo baxday, sharci ayaa ka soo baxay, raggi warshadaha lahaa waa laga xidhay, labadii warshadood ee u waa weyna dawladdu lacag ayay u celisay inkasta oo aanay u dhaweyn wixii ay soo siisteen.

Haddana warshadaha markii la xidhay ee Somaliland gudahoodii laga xidhay, haddana bacdii maanta magaaladii waa ay taalla, dukaan kasta waa ay taala, ciddkastaba wax waa loogu ridaa.” Sidaas ayay tidhi Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka oo hadalkeeda sii wadatay, waxa ay tidhi, “Maanta oo kale Kastamada waxaa yaala sideed milyan oo xabbo oo la soo qabtay, oo dhawaantan la soo qabtay, illaa sideed milyan oo xabbadood ayay hayaan oo maanta gacanta lagu hayaa.

Bacda joojinteeda waanu ku guuleysan waynay, in alaale intayadii shaqada ku laheyd oo dhami ama dawlad hoose ha ahaato, ama ha ahaato wasaaraddo, ganacsiga annaga, maaliyadda, waanu ku guuleysan kariweynay si aanu u xakameyno, sababto ah mar haddii aan isku aragti laga wada aheyn oo aan meel laga wada duuleyn taasi waanu ku guuleysan waynay, imikana shir ayaa loo ballansan yahay sidii wax looga qabanlahaa,” Sidaas ayay tidhi Marwo Shukhri Baandare.

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Afar sanno ka hor oo ku beegan Toddoba bilood kaddib markii la joojiyey bacadaha ka hadashay sababta ay u hirgeli weyday digreetada madaxweynihii hore ku joojiyey Bacaha, ayaa arrintaas ku sababaysay xil-gudosho la’aan ka jirta hay’adaha dowladda ee Qaabilsan hawshan, gaar ahaan Rugta Ganacsiga ee Somaliland oo ay si gaar ah ugu dhaliishay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories