Home"Somaliland Rubuc Qaranigii U Dambeeyay Kamay Qayb-qaadan Shirarkii Dib U Heshiisiinta Somalia,...

“Somaliland Rubuc Qaranigii U Dambeeyay Kamay Qayb-qaadan Shirarkii Dib U Heshiisiinta Somalia, Waana Dal Buuxiyay Shuruudhii Looga Baahnaa” Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa khudbad uu kaga hadlayay qaadiyada iyo madaxbanaanida Somaliland ka jeediyay kulankii maanta magaalada Hargeysa ka qabsoomay ee lagu soo bandhigayay saxeexa hal milyan iyo labaatan kun oo shacbiga Somaliland ay beesha caalamka kaga dalbadanayaan aqoonsi caalami ah, waxa uu sheegay in Somaliland dedaal dheer u soo gashay madaxbanaanideeda, islamarkaan ay mudan tahay in la aqoonsado.

 

14064302_1033291170118069_2533526082419495241_n

 

 

Waxaanay Khudbada Madaxweynuhu u dhignayd sidan:-

 

 

“Waxaan u caddaynayaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

  1. Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.
  2. Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.
  3. Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, maaha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen.
  • Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.
  • French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.
  • Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.
  1. Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad %53 ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
  2. Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
  3. Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

 

 

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

  1. Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
  2. Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97.7 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.
  3. Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan.

 

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

 

 

 

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.

Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan:

  • in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.
  • in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories