HomeSomaliland: Qorshe markii ugu horreysay lagu kala saarayo darajooyinka Ganacsi ee Isku...

Somaliland: Qorshe markii ugu horreysay lagu kala saarayo darajooyinka Ganacsi ee Isku milmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ku dhawaaqday inay joojinayso in ganacsatada wax soo dejiyaa ay gaadiid ay leeyihiin wax kaga soo raraan dekedda Berbera.

blank
Wasiirrada Ganacsiga iyo Maaliyadda Somaliland

Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland iyo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay ka qaybgalay kulan ku saabsan kala-xaddaynta Liisamada Ganacsiga, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo wax lagaga qabanayo isku-milanka ganacsiga dalka iyo keli-macaashka.

Kulankaas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee caasimadda Hargeysa, waxa ugu horeyn hadal ka jeediyay Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee wasaaraddaas Aaden Cilmi Axmed, waxaanu sheegay in ganacsatada dalku ka hor yimaadeen xeerka kala-xaddaynta Ganacsiga Somaliland oo la ansixiyay sannadkii 2004, ka dib markii sida uu xusay ay u fahmeen inuu ka hor imanayo hawlaha ganacsigooda.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu amaanay qorshahan kala-xaddaynta Liisamada Ganacsiga, wuxuuna tilmaamay in Cashuuro markii hore ka lumi jiray ay hadda si fudud ku heli doonto wasaaradda Maaliyaddu. “Ninka wax soo dejiyaa isaga ayaa gaadhigiisa ku qaadaya oo bakhaarkiisa ku gaynaya, halkaa waxa ka baxay cashuurtii iibka, marka uu bakhaarkiisii dhigo, haddana isagaa tafaariiqdii ku iibinaya, waxaanad moodaa ilaa kaaryoomaha inuu isagu wato, dawlada waxa soo galaa waa wax yar inay ka badatana way ahayd.” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland.

Ugu dambayn, wasiirka Ganacsiga, Wershaha iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo kulankaas ka hadlay, waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ay joojiyeen in ganacsatada wax soo waaridaa ay gaadiid ay leeyihiin kaga soo daabulaan dekedda Berbera, si looga hortago in cid keliyi macaashto, loona helo wada faa’iidaysi wadareed. “Barnaamijkan waxaanu ugu talogalnay inaanu helno baayacmushtarkii oo kala soocan oo wixii wax soo dejinaya aanu ogaano cidda uu yahay, liisamadoodiina aanu siino, qofka wax dhoofinayana aanu ogaano liisamadana aanu siino, wixii xuquuq ah ee dadka iyo dalku ku leeyahayna laga qaado, xuquuqdaas oo noqonaysa in laga daba faa’iido.” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Wasiirku waxa uu sheegay in kooxo deraasad ku sameeya ay u dirayaan Berbera, si loo fuliyo qorshahan kala-xaddaynta Ganacsiga Somaliland.

Somalilandpost

Webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories