HomeSomaliland: Qiimaha Raashinka oo meel sare gaadhay iyo War la'aanta Xukuumadda

Somaliland: Qiimaha Raashinka oo meel sare gaadhay iyo War la’aanta Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, ayaa suuqyada Somaliland ka maraysa meel sare, sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika oo warbixin ka diyaariyey baadhitaanno weriyeyaal ka tirsani ka sameeyeen suuqa dalka.

Raashinka kala duwan ee daruuriga ah, ayaa mid walba waxa ku biiray Lacag ku dhow intii hore loogu iibin jiray, taasi oo muujinaysa heerka Sicir-bararka ee xilligan ka jira Magaalooyinka Somaliland.

blankWargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay Qiimaha Maceeshadda kala duwan halka ay ka marayso Somaliland, ayaa xog-warran la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Suuqa Badhtamaha Hargeysa isla-markaana waydiiyey kala duwanaanshiyaha Qiimaha Raashinka ee xilligan iyo Qiimihii hore, waxayna sheegeen in Qiimaha Raashinku aad u kordhay, inkasta oo aanay tilmaamin sababo Cadcad oo keenaya Sicir-bararka Raashinka.

Tusaale ahaan, waxay sheegeen in Kiishka Sonkorta ah oo hore loogu iibin jiray 26 Dollar uu hadda marayo 30 illaa 31 dollar, Daqiiqda oo la siin jiray 22 Dollar ay hadda marayso 26 Dollar, Kiishka bariiska ah oo hore loo siin jiray 27 Dollar, hadda wuxuu marayaa 32 dollar, Jirikaanka Saliidda ah hore waxa loo siin jiray 25 dollar, imika waa 29, halka Saliidaha kale qaarkood 10 Dollar ku kordheen Qiimihii la siin jiray, Kartoonka Baastada ah oo hore loo siin jiray 8 dollar, ayaa hadda maraya 9.5 dollar, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa.

Si rasmi ah looma oga waxa sababta u ah Qiimahan sar ee Raashinku gaadhay, Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiguna illaa hadda kama hadal arrintan oo culays ku ah guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka hayntoodu yar tahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories