HomeSomaliland: Qaybo Ka Mid ah Jidka Isku Xidha Gobollada Togdheer Iyo Sanaag...

Somaliland: Qaybo Ka Mid ah Jidka Isku Xidha Gobollada Togdheer Iyo Sanaag ee Dhismihiisu Dhamaaday oo xadhigga laga jaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Iminka wajigii labaad ayeynu wadnaa , waxaan rajaynayaa  wijiga labaad  40 KM iyo afartaa bilood ee inoo hadhay in uu ilahay inagu guulayan doono..” Wasiir Cabdillahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Ceergaabo-SLpost- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan  ayaa furay 42 KM oo ka mid ah jidka isku xidha Gobolada Togdhheer iyo Sanaag oo dhismihiisu dhamaaday, jidkaas oo dhererkiisu dhan yahay 284 KM waxa iyana hore loo dhamaystiray 94 KM shaqadan  waxaa dhisaaya oo gabi ahaanba gacanta ku haysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumirinta Jidadka oo kaashanaysa Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, ilaa hada lacagta ku baxday ayaa ah  22 milyan oo dollar.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Waftigiisu waxa ay kormeeren qaybaha ka hadhay Wadadaasi oo hada iyana shaqo ka socoto, Wadadan  ayaa hada u dhow mid gabogabo ah oo sahlaysa isu socodka ganacsiga iyo Dadweynaha deegaamadaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland oo halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi:-“iminka wajigii labaad ayeynu wadnaa , waxaan rajaynayaa  wijiga labaad  40 KM iyo afartaa bilood ee inoo hadhay in uu ilahay inagu guulayan doono waxanan ku kalsoonahay tiimkan meesha jooga shaqadooda iyo xilkasnimadooda aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay iyadoo duruufo badani jiraan, aniguna itaalkayga waanu idiin balan qaadaynaa wixii aanu idinla qaban karno ama ha noqoto “Promotion” ama ha noqoto ka warhayan”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Khabiiradii dhisaayey Wadadaasi, Maamulka Gobolka Sanaag, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, iyo Booliska Somaliland oo dhamaantood ku dheeraaday dadaalka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Horuumarinta Wadooyinka, iyo sida ay Wadadani muhiimada ugu leedahay dadweynaha labada Gobol iyo Somaliland inteeda kaleba.

Ugu danbayantii Waftiga Wasiirka oo lagu soo dhaweeyay Degmada Ceel Afweyn, ayaa halkaasi kula hadlay dadweynaha, waxaanu u sheegay in qorshahoodu  yahay in ay dhismaha Wadada isku xidha Gobolada Togdheer iyo Sanaag soo gabogaabayndoonaan Sanadka 2019.

Hoos ka daawo warkan oo muuqaal ah

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories