HomeSomaliland: Qaran Nadaafad Jecel – W/Q: Hoodo Yuusuf

Somaliland: Qaran Nadaafad Jecel – W/Q: Hoodo Yuusuf

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nadaafadi waxay muhiim u tahay bashar kaste oo nool kuna nool aduunkan guudkiisa ha joogo dunida kowaad ta labaad ta sadexaad, nadaafadu kuma xidhna dal, dad,, iyo deegaan toona waa arin u dan ah noole kaste faaiidada uu helaayo ruux kaste oo ka qayb qaata nadiifinta iyo dhiiri galinta nadaafada.

Somaliland oo aynu ogsoonahay in bulsho weynta ku nooli tahay bulsho ku abtirsata diinta islaamka boqolkiiba boqol ayaa diintan islaamku in badan dhiiri galisay kuna boorisay daryeelida nadaafada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka nadaafada dhankasta oo aadamahu ka eego.

Diinta islaamka heerka ay nadaafadu kaga jirto oo ah in ay tahay qayb ka tirsan dhamaystirka iimaanka uu ruux leeyahay, hadaba hadii nadaafada laga talaabsado taas micnaheedu waxay noqonaysaa in laga tagay lana dayacay qayb muhiim ah oo uu ku dhamastirmaayo iimaanku ruuxa muslimka ah.

Dhiiri galinta bulshada iyo kala shaqaynta kor u qaadida heerka nadaafadeed ee dalkan Somaliland ayaa ah mid had iyo goor ku jirta maanka masuuliyiinta qaranka hawgu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyada Md. Axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo dhamaan cidkasta oo uu madaxweynuhu u igmaday dhamaystirka hawlaha qaranka iyo kor u qaadida tayada iyo bilicda magaalooyinka waawayn iyo ku yaryarba.

Maalinta ololaha nadaafada Somaliland ayaa ah maalin sanadle ah kuna beegan maalinta 7/ ee bisha 04/ sanad walba, maalinta oo run ahaan noqotay maalin qaran kadib markii lagu dhawaaqay lagana shaaciyay warbaahinta isla jeerkaasna lagu amray dhamaaan shaqaalaha dawlada heerkasta Wasiir, W/Xigeen, Gudoomiye, maareeye, badhasaab, maayar, heerarka kala duwan ee ciidamada booliska iyo kuwa qalabka sida iyo dhamaan shaqaale hoseedka ka hawl gala xarumaha dawlada eek u kala baahsan daafaha iyo dacalada dalku  inay ka qayb qaataan hir galinta maalinta nadaafada Somaliland.

07/04/2015 ayaa waxay dhamaan shaqaalaha dawladu ku hawlanaayeen maalinta ololaha nadaafada iyagoo ka qayb qaadanaayay nadiifinta magaalooyinka dalka, isla maalinkaas ayaa madaxweynaha qaranka Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo iyo marwada kood ee qaran Marwo Aamiina Maxamuud Jirde ka qayb  qaateen iyagoo gacmahooda ku guraaya xashiishka magaalada hargeysa iyagoo tusaaya bulshada inay u heelnyihiin hawl iyo wax qabad diyaar u yihiin in ummada wax loo qabto.

Isla maalinkaas ayaa waxa ka hawl galay ololaha nadaafada dhamaan wasiirada xukuumada intii dalka gudahiisa ku sugnayd oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada madaxtooyada md. Xirsi Cali X.Xasan oo ka mid ahaa wasaaradii aan indhahayga ku arkay iyagoo si hagar la’aan ah u guraayaa xashiishka isaga iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradiisa iyo shaqaale hooseedka wasaarada madaxtooyada.

Sidaan xog ku helay ayaa ahayd in dhamaan wasaarada qaranka oo ay hogaaminayaan wasiirada wasaaradahaas inay ka qayb qaateen maalinta ololaha nadaafada.

Hadabada maalin qaran, madaxweyne qaran, wasiiro qaran, shaqaale qaran, oo dhulka u xaadhaya sidii ay bulshadooda ugu qaban lahaayeen baahiyahooda kala duwan.

 

Qalinkii:Hoodo Housuf
hoodo.90@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories