HomeSomaliland Oo Yeelatay Bangi Siidhka Beeraha Lagu Kaydiyo

Somaliland Oo Yeelatay Bangi Siidhka Beeraha Lagu Kaydiyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo ay weheliyaan hay’adaha kala duwan ee kala shaqeeya arrimaha kobcinta cuntada ayaa maanta munaasibad balaadhan u qabtay xuska maalinta cuntada aduunka oo ku beegnayd jimcihii daraad (16/Oct/2015).

 

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Deegaanka Galoolay oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa waxa munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday goleyaasha dawladda, masuuliyiinta deegaanka iyo hay’addaha wasaaradda beeraha la shaqeeya badidooda, waxaana masuulyiinta ka soo qayb gashay ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Guddoomiyaha hay’adda NERAD Maxamed Muuse Cawaale, Badhasaab ku xigeenka Gabiley Maxamed Case, Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Sheekh, Xildhibaan Ibraahim Axmed Sheekh Muuse (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah  Golaha Wakiilada Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday Hay’addaha FAO, WFP, Concern Worldwide, Islamic Releif, Worldwide Concern, Havoyoco, Denmark Fund iyo kuwa kale oo iyaguna la shaqeeya wasaaradda Beeraha.

 

Munaasibadan ayaa ka hor intii aan la bilaabin waxa uu wasiirku xadhiga ka jaray Baan Siidh oo ay Somaliland yeelan doonto, iyada oo halkaasi lagu kaydin doono Siidhadhka kala duwan ee dalka, sidoo kalena lagu baadhi doono abqaalka siidhka iyo noocyadiisa kala duwan.

 

Baankan lagu kaydin doono siidhka ayaa waxa deegaanka Galoolay ka dhigay hay’adda HAVAYOCO, iyada oo ay dhaqaalahana ka taageertay hay’adda Denmark Fund (DF).

 

Munaasibadan xuska maalinta cuntada aduunka oo uu khudbad ka jeediyey wasiirka wasaaradda Beeruhu Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa waxa uu xusay muhiimada cuntadu bulshada u leedahay iyo inay tahay difaaca koowaad ee gaajada, isla markaana loo baahan yahay in la kobciyo wax soo saarka dalka si loo yareeyo gaajada iyo faqriga.

 

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale khudbadiisan kaga hadlay abaarta dalka ka dhacday iyo sida ay u saamaysay bulshada reer Somaliland inteeda beeralayda iyo xoolo dhaqatada ah.

 

Wasiirka oo ka hadlaya sida ay ku timid maalintan la xuso ee loo yaqaano maalinta cuntada aduunku ayaa waxa uu yidhi “Dadweynaha ku nool darafyada aduunku waxa ay isugu yimaadaan 16-ka October  si ay u cadeeyaan inay ka go’an tahay cidhibtirka gaajadu”.

 

Wasiirka oo sii wada sharaxaada sida ay ku timid maalinta cuntada aduunku ayaa waxa uu yidhi “Maalinta cuntada aduunka waxa loo dabaal degaa aas aasidii Ururka cuntada aduunka iyo beeraha ee Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa (FAO) oo lagu dhisay magaalada Quebec (Kuyubik) ee dalka Canada 16-kii Oktobar 1979, intii taariikhdaasi ka dambaysay dal kastaa waxa uu ilaaliyaa maalintaasi, waxaana ka soo qayb gala malaayiin dada oo ku kala dhaqan dalalka ay ka tirsan yihiin”.

 

Khudbada wasiirku ka jeediyey madasha oo dheerayd ayaa waxa ay sidoo kale taabanaysay dhinacyada la dagaalanka gaajada iyo sida uu aduunku u danaynayo, sidoo kale wasiirku waxa uu ka hadlay abaarta dalka ka jirta iyo sida ay gobolada dalka qaarkood u saamaysay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Somaliland waxa ku habsatay abaar ba’an oo saamaysay dadka iyo xoolaha ku dhaqan gobolada Maroodi-jeex, Gabiley, Awdal iyo Salal, ka dib markii la waayey roobabkii Guga, waxa baaqday dalagii la filayey sanadkan inuu soo go’o 97% waxa la filayaa inay soo go’aan 3%”.

 

Wasiirka ayaa waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Beeraha dalka waxa ugu wax soo saar roon halkan (Gabiley), dalka intiisa kale meeshii ka hesha beerta caleen ay xooluhu cunaan ayaa sadbursi haysata.

 

Wax soo saarka Beeruhu waxay yihiin rukunka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha oo xoolaha ku xiga, xaalada nolosha dadka iyo xooluhu aad ayey u liidataa wayna ka sii daraysaa” ayuu ku yidhi wasiirku khudbadiisa Maalinta Cunta aduunka ku sahabsanayd.

 

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay dhawaan isugu yeedhi doonaan dhinacyada ay khusayso arrimaha mucaawinooyinka ee guddiyada dawladda iyo hay’addaha dalka ka hawl galaa ka mid yihiin si loo soo saaro baaq qaylo dhaan ah.

 

Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Guddoomiyaha hay’adda NERAD Maxamed Muuse Cawaale , Cumar Sheekh oo ah Masuul ka tirsan hay’adda HAVAYOCO, Michal oo ka socday hay’adda FAO, Kate Anderson oo ka socday DF (Denmark Fund), Madaxa Somaliland ee hay’adda WFP, Daahir Xudhuun oo ka tirsan beeralayda deegaanka, Xidlhibaan Ibraahim Axmed Sh. Muuse (Ibraahim Kacaan), Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Sheekh iyo Badhasaab Ku xigeenka Gabiley ayaa waxa ay dhammaantood iska daba mareen muhiimada ay leedahay wax soo saarka iyo sida loogu baahan yahay in la qorsheeyo nidaamkii loo kobcin lahaa cunto soo saarko si loo yareeyo gaajada, iyaga oo ka sheekeeyey muhiimada xuska maalinta cuntada aduunka.

 

Xubno ka mid ah faanaaniinta dalka oo ay horkacayso Nimco Degan ayaa waxa ay iyaguna dadka ku wacyigaliyeen inay wax soo saarka kordhiyaan si bulshadeenu uga maaranto cuntooyinka ay dibada ka sugayaan.

 

Somalilandpost Office, 2015

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories