HomeSomaliland oo yeelanaysa 11 Dekedood iyo Hay'ad u gaar ah maamulkeeda oo...

Somaliland oo yeelanaysa 11 Dekedood iyo Hay’ad u gaar ah maamulkeeda oo 9 Xubnood ka kooban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta la horkeenay qabyo-qoraalka Xeerka Dekedaha Dalka oo xukuumddu soo diyaarisay, waxaana loo qaybiyey mudaneyaasha oo naaqishaad ku samayn doona ka hor inta aanu goluhu maalmaha soo socda guda-gelin dooddda xeerkan.

Xeerkan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee loo sameeyo noocyada, tirada iyo sharciyadda ay Dekedaha dalka, ayaa maanta la horkeenay Golaha, waxaana warbixin ku saabsan xeerka iyo muhiimaddiisa ka hor-jeediyey Golaha Guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye.

blankXildhibaanku waxa uu halkaas ka sheegay in Xeerkani dhidibbada u taagayo isla markaana lagu aasaasayo Hay’adda Dekedaha Somaliland, taas oo ay hoggaamin doonaan Guddi Sagaal xubnood ka kooban oo madaxweynuhu magacaabi doono.

Sida ku xusan Qabyo-qoraalka Xeerka Dekedaha Somaliland ee maanta la horgeeyey Golaha Wakiillada, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay yeelan doontaa 11 Dekedood oo sharci ah kuwaas oo laga hirgelin doono Xeebaha Galbeed ilaa Xeebaha Bari ee dalka laga soo bilaabay magaalooyinka Saylac ilaa Ceelaayo.

Sida ku xusan Xeerkan, Dekedaha sharciga ah ee Somaliland ayaa kala ah Dekedaha Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Berbera, Ceel-daraad, Karin, Conqor, Ruguuda, Shalacow, Xiis, Maydh, Carsho, Laasqoray Iyo Ceelaayo.

Qabyo-qoraalka Xeerka Dekedaha Somaliland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dekedaha, ayaa la filayaa inay mudaneyaasha Goluhu maalmaha soo socda gudo-galaan dooddiisa iyo wax-ka-beddelkiisa. Waxaanu xeerkani dhaqan-geli doonaa marka uu ka gudbo ee ay ansixiyaan mudaneyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidaa, isla markaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories