HomeSomaliland oo xuddun u noqotay Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Harimcadka laga ugaadhsado...

Somaliland oo xuddun u noqotay Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Harimcadka laga ugaadhsado Bariga Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Bishii hore ee July, laba Harimad ayaa khatar galay, ka dib markii ay 25 Maalmood ay Gacmahooda ku jireen Dad ka shaqaysta Dhoofinta Sharci-darrada ah ee Duur-joogta, falkaasina wuxuu ka dhacay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland, taasi oo aan ka fogayn xuduudka Itoobiya.

blank
Harimcad-ka Dhasha ah ee lagu qabtay magaalada Boorama 24 July 2020 (Photo by CCF)

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Global initiative oo ka shaqaysa dambiyada ka dhanka ah ugaadhsiga Duur-joogta Adduunka, Somaliland ayaa ka mid noqotay waddamo marin u noqday tahriibinta Haramcadka yar-yar oo loo dhoofiyo dalkalka Carabta.

Dhowaan ayay ahayd markii Shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ay gacan ka geysteen in la helo Harimo-cadyadaasi iyagoo khatar ku jira oo Awood-darreeyay, waxaana markaa ka dib soo gaadhay halkaasi hawl-wadeeno ka socday Sanduuqa daryeelka Harimo-cadka ee Magaciisa loo soo gaabiyo (CCF) oo wada-shaqayn la leh Wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Arrintan ayaa qayb ka ah ugaadhsi joogto ah oo lagu hayo Harimo-cadka ku nool Somaliland, waxaana July illaa August, 2020 sidaasi oo kale khatar u galay 20 Harimo-cad, laakiin waxa lagu bedbaadiyey Hawl-gallo ay wada-jir u sameeyeen Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo Booliska oo ay taageerayaan Ururka CCF.

Sida lagu sheegay warbixinta, 14-kii Septemnber, laba Harimo-cad ayaa laga qabtay gobolka Sool, kan ugu yar wuxuu jiray laba toddobaad oo keliya. Guud ahaan, 25 Harimo-cad oo yaryar ayaa sannadkan gudihiisa lagu qabtay ama lagu badbaadiyey gudaha Somaliland

Ugaadhiga Harimo-cadku maaha arrin ku cusub Somaliland oo way jirtay illaa 2010-kii, laakiin wacyi-gelinta ku saabsan inay arrintaasi aanay sax ahayn ayaa kor u kacday wixii ka dambeeyay sannadkii 2018-kii oo Somaliland samaysay Xeerka Duur-joogta iyo deegaanka.

Waxa warbixinta lagu xusay in boqolkiiba 25 ka mid ah Harimo-cadka laga dhoofiyo Somaliland laga keeno dhinaca dalka Ethiopia.

Sida Warbixinta lagu sheegay Harimo-cadka dhasha ah ayaa gudaha Somaliland lagu kala iibsadaa 200 illaa 300 Dollar halka Harimo-cadka waawey qiimahiisu marayo ilaa 1,000 Dollar, laakiin Dalalka Khaliijka Carabta waxa laga siistaa qiimo gaadhaya $15,000, taasoo Somaliland ka dhigtay Dalka Bariga Afrika ugu badan ee laga ugaadhsado Harimo-cadka.

blankMaaha markii u horeysay ee warbixinno caalami ah lagu xuso in Somaliland marin u noqotay dhoofinta ugaadhsiga sharci-darrada ah ee Harimcad-cadka. Bishii July ee Sannadkii 2019-kii ayaa wabixin ay soo saareen hay’addo ka shaqeeyo ilaalinta Duurjoogta uu Harimcad-ku u horreeyo, ayaa lagu sheegay in Somaliland marin u noqotay ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee xayawaannada Dugaagga iyo Duurjoogta laga tahriibiyo Dalalka Bariga Afrika.

Bishii July sannadkii 2014-kii, ayaa warbixin uu soo saaray Urur lagu magacaabo CITES oo ka shaqeeya Ilaalinta duur-joogta, ayaa lagaga dayriyey xaaladda ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Duur-joogta ka sii dabar-go’aysa dunida oo Harim-cadku ka mid yahay, iyadoo lagu xusay in Somaliland ka mid noqotay marinka ugu weyn Bariga Afrika ee laga dhoofiyo xayawaankan.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories