HomeSomaliland oo Xafiis ka furatay dalka Taiwan iyo Jewiga Munaasibad laysku Arkay...

Somaliland oo Xafiis ka furatay dalka Taiwan iyo Jewiga Munaasibad laysku Arkay oo lagu daah-furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Somaliland ayaa si rasmi ah xafiis dibloomasiyadeed uga furatay caasimadda Taiwan ee Taipei maanta Arbacadii, taasoo laga dheehan karo xidhiidhka dhow ee labada dhinac.

Munaasabada lagu soo bandhigayay daah-furka xafiiska, ayaa lagu qabtay Xarunta Machadka diblomaasiyadda iyo Arrimaha caalamiga ee wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan guddiga diblomaasiyadda ee labada dhinac.

blankWakiilka Somaliland ee Taiwan ayaa hadal uu munaasibadda ka jeediyey ku yidhi, “Heshiiska laba geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan wuxuu ku salaysanyahay qiyamkeena guud ee dhinacyada xoriyada iyo dimuqraadiyada.”

“Waa in la bilaabo dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka naga dhexeeya labadayada dhinac oo danta guud ka dhaxayso taasoo kor u qaadi karta ganacsiga labada dal iyo iskaashiga dhaqaale ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, tamarta, macdanta iyo ICT,” ayuu raaciyay Danjire Maxamed Xaaji.

Dajire Maxamuud waxa uu ku marti-qaatay ganacsatada reer Taiwan inay Somaliland ka maalgashadaan macdanta, dalxiiska, deegaanka, kalluumaysiga iyo beeraha.

Dajire Maxamoud ayaa wareysi hore ku sheegay in xafiisku ka koobnaan doono shan shaqaale oo kala ah: isaga, laba ka soo jeeda Somaliland iyo laba shaqaale oo u dhashay wadanka Taiwan oo laga shaqaaleysiiyay.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan, Joseph Wu, ayaa isna dhankiisa tilmaamay xaalado isku mid ah oo ay kala kulmeen Taiwan iyo Somaliland fagaaraha caalamka.

“Labadayaduba waxaan la kulannaa cadaadis dibadeed, laakiin waxaanu ku faanaynaa madax-bannaanidayada oo aan diyaar u nahay inaan difaacno, ”ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Taiwan waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso saaxiibkeeda ay isku fikirka yihiin ee Geeska Afrika.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kaga qayb-galay hab-maqal iyo muuqaal ah isagoo jooga Hargeysa, waxa uu sheegay in xilligan ay tahay waqtigii ugu fiicnaa ee ay labada dhinac ku dedaali lahaayeen xoojinta xidhiidhkooda, isagoo xusay in Somaliland ay noqonayso barta udub dhexaadka u ah danaha caalamiga ah ee isbedelka dhaqaalaha adduunka.

Taiwan iyo Somaliland ayaa bishii February kala saxeexday heshiis dhigaya inay isweydaarsadaan xafiisyo wakiileed, waxaanay Taiwan xafiiskeeda ka furatay Somaliland 17-kii Ogost ee sannadkan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories