HomeSomaliland Oo Wax-ka-beddel ku samaysay Cashuurta Qaadka ee Laga keeno Dalalka Itoobiya...

Somaliland Oo Wax-ka-beddel ku samaysay Cashuurta Qaadka ee Laga keeno Dalalka Itoobiya iyo Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland, ayaa Axadda maanta soo saartay tacriifad cusub oo lagu jaan-gooyey cashuurta badeecadda Qaadka ee Laga soo waarido dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Wareegto Ka Soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Wax-ka-beddel ku samaysay Cashuurta badeecadda kaddib markii Wasiirku tixgeliyey Soo-jeedin uu u soo bandhigay Agaasimaha Waaxda Kastamada oo Ku taariikheysan 15/01/2023 iyo Tixraaca xafiiska Xogta iyo qiimaynta ee Waaxda Kastamada, kuwaas oo soo jeediyey Wax-ka-bedel lagu sameeyo qiimihii lagu cashuuri jiray Qaadka Miirooga ee Kenya iyo Qaadka Hereriga ee Dalka Ethiopia laga keeno.

Waxa wareegtada Wasiirka lagu sheegay in Qaadka Miirooga ee dalka Kenya laga keeno oo markii hore Halka Kilo lagu cashuuri jiray 4.5 Dollar, hadda laga dhigay 3.8 Dollar, halka Qaadka Hereriga ee laga keeno dalka Itoobiya oo markii hore Halka Kilo Lagu Cashuuri jiray 1.567 Dollar, immika wixii ka dambeeya lagu cashuuri doono 3.8 Dollar.

Qaadka Miirooga ee laga keeno dalka Kenya, ayaa xukuumaddu hoos u dhigtay qaddarka cashuurta ee laga qaado, iyadoo 0,7 oo u dhigan boqolkiiba 15.6 oo intii hore laga jabiyey.

Halka Qaadka Hereeriga ee Dalka Ethiopia lagu Kordhiyey Cashuurta in ka badan Libin-laab oo ah 2.2 Dollar oo u dhigan boqolkiiba 57.9 Qiimihii markii hore lagu cashuuri jiray oo lagu Kordhiyey.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, waxa uu wareegtadiisa ku amray maamulayaasha Kastamada dalka inay tacriifaddan cusub dhaqan-geliyaan laga bilaabo Maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 23-ka January, 2023 oo Maalinta Berri ah.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostn.et

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories