HomeSomaliland oo War Ka Soo Saartay Xiisadda Dagaal ee Dalka Ukraine iyo...

Somaliland oo War Ka Soo Saartay Xiisadda Dagaal ee Dalka Ukraine iyo Samata-bixinta Arday ku Xanniban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xukuumadda Somaliland oo Bilowday Qorshe lagu Samato-bixinayo Arday ku Xanniban Dalka Ukraine

blankHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxaanay labada dhinac ugu baaqday inay xal nabadeed ku dhammeeyaan xiisadda dagaalka socda.

Milatariga dalka Ruushka ayaa 24-kii bishan duullaan ciidan ku qaaday dalka Ukraine, waxaanu xilligan dagaalku gaadhay caasimadda dalkaas ee Kiev iyo magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv, in kasta oo maanta la bilaabay wada-xaajood u furmay ergooyin ka socda labada waddan oo ku kulmay waddanka deriska ah ee Belarus.

Tallaabada Milatari ee Ruushka ayaa sababtay inay dalalka reer Galbeedka iyo Xulafada isbahaysiga NATO kaga jawaabaan cuno-qabatayno dhaqaale oo lagu soo rogay dowladda iyo Ganacsada Ruushka si culays loogu saaro tallaabada Milatari ee ay ka qaadeen Dalka Ukraine.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay inay Somaliland u ducaynayso Shacabka Ukraine isla markaana ay rejaynayso in xal nabadeed lagu soo af-jaro xiisadda dagaal ee ka taagan dalkaas.

Wasiir Ciise Keyd arrintan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kaas oo uu farriin wargelin ah ugu gudbiyey Ardayda reer Somaliland ee ku xayiran dalka Ukraine inay xidhiidh la sameeyaan Xafiiska xidhiidhka qurbejoogga iyo xafiisyada dublomaasiyeed ee Somaliland ku leedahay dalalka Yurub gaar ahaan Finland si loogu tabaabusheeyo qorshe ay kaga baxaan dalkaasi oo xaaladdiisa nabadgelyo ka sii darayso.

“Iyadoo xaaladda dalka Ukrain ay ka sii darayso, waxay Jamhuuriyadda Somaliland diraysaa Baaq nabadeed. Waxaanu Qalbigayaga ku haynaa una ducaynaynaa dadka reer Ukraine, waxaananu rejaynayaa xal nabadeed oo la gaadho,” Sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku sheegay qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka

blankWasiir Ciise Keyd oo qoraalka ku lifaaqay warqad xambaarsan xogta iyo ciwaannada ay tahay inay xidhiidhka la sameeyaan ardayda Somaliland ee ku sugan dalka Ukraine, waxa uu intaas u daray, “Fadlan la wadaag ogeysiiskan muhiimka ah ardayda reer Somaliland ee ku xayiran Ukraine.”

Wargelinta loo diray Ardayda Somaliland ee ku xayiran Ukraine, ayaa lagu sheegay inay xafiiska Qurjeboogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala xidhiidhaan telefoonnada kala ah +252 65 4403392 ama +46 76 249 1746 iyo sidoo kale Safaaradda Somaliland ee dalka Finland oo ay kala xidhiidhayaan +358 46 8468866 iyagoo adeegsanaya barnaamijyada xidhiidhka bulshada ee WhatsApp, Signaliyo Telegram.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories