HomeSomaliland oo Walaac xooggan ka muujisay Xaaladda Siyaasadeed ee Somalia, Baaqna u...

Somaliland oo Walaac xooggan ka muujisay Xaaladda Siyaasadeed ee Somalia, Baaqna u dirtay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda xilligan ee Soomaaliya, waxaanay sheegtay inay mowqif la mid ah aragtida beesha Caalamka ka taagan tahay muddo-kordhinta loo sameeyey madaxweynaha dalkaas.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inay xukuumaddu walaac xooggan ka qabto dhacdooyinka ka dhan ah ku tumashada nidaamka dimuqraadiyadda iyo xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in nidaamka maamul ee Soomaaliya ka jira sabab u yahay ismarin-waaga siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taasina ay halis muuqata ku tahay xasiloonida mandaqadda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay dhacdooyinka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida-darrada ah ee ka socda waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Ismari-waaga siyaasadeed ee maanta ayaa markhaati u ah cabudhinta iyo hoggaaminta macangagnimada ah ee taliska Farmaajo, taas oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka isla markaana geli kara Soomaaliya dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo inuu ku qasbo barakaca kumanaan rayid ah. galay dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda eeSomalialnd.

Xukuumadda Somaliland waxa ay baaq u jeedisay Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. “Waxaan ku boorineynaa in dadka adkaysiga leh ee reer Muqdisho ee ay isugu darsantay rasaasta argagixisada ee aan kala joogsiga lahayn iyo kalitalisnimada Farmaajo si shuruud la’aan ah loo ixtiraamo xuquuqda aadanaha si loo ilaaliyo nabaddooda iyo xasilloonidooda.

Waxaan ku bogaadineynaa go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Cunaqabateynta Hubka lagu sii hayo, waxaanan beesha caalamka ka codsaneynaa inay laba jibaarto dadaalkeeda la socoshada iyo hubinta in hub sharci-darro ah la geeyo Soomaaliya xilligan,” sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa lagu sheegay guulaha dowladnimo iyo dimuqraadiyadeed ee Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya, waxaana lagu yidhi, “Tan iyo markii ay dib ula soo noqotay qaranimadeedii, jamhuuriyada Somaliland waxay ahayd ilays dimuqraadi ah oo ka ifaya gobolka, waxaana ku qabsoomay doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo qiyam dowladnimo oo hirgalay.

Sidaa darteed, waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka inay si toos ah ula macaamisho Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wax ka kororsato waayo-aragnimadeeda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland oo lagu socodsiiyey Beesha Caalamka iyo Soomaaliya, kaas oo wariyeyaa Somalilandpost ku soo tarjumeen afka Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories