HomeSomaliland oo Waddan African ah ka dalbatay Isticmaalka Furahooda Internetka iyo Xogo...

Somaliland oo Waddan African ah ka dalbatay Isticmaalka Furahooda Internetka iyo Xogo Dheeraad ah oo la xidhiidha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka, maadaama aanay Somaliland fure u gaar ah oo ay isticmaasho..

Furaha Internetka ee dalalka adduunka (Country Code Top-level domain) ama (ccTLD) ayaa ah furaha ay Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan ciwaannada mareegaha Internet-ka ee u gaarka ah sida (Google.so) ama (Google.co.uk), kaas ka kooban yahay laba xaraf oo laga soo dheegay magacyada dalalka oo la soo gaabiyey, waxaanu la mid yahay furaha telefoonnada ee loo asteeyey waddan kasta.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.

Wasaaradda Isgaadhsiinta ee Soomaaliya, ayaa gacanta ku haysa maamulka Furaha Internet-ka ee Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas ayaana sabab u ah in Somaliland Ku khasbaysa inay mid kale raadsato.

Ma jiro War Rasmiya oo Dawladdu ku shaacisay arrintan, basle Warbaahinta Somalilandchronicle.com oo warkan baahiyey, isagoo soo xiganaya Warqad ku qoran Afka Ingiriisiga oo uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu Dr. Cabdweli Suufi Jibriil Somaliland uu u diray Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Sierra Leone Mr. Mohamed Rahman Swaray, taasi oo uu kaga dalbaday in Somaliland la isticmaasho furaha Internet-ka ee .SL.

Yaa Gacanta ku haya Maamulka iyo Diiwaangelinta Furaha (.SL)?

Lama oga sababta ay Somaliland u dooratay inay waddanka Sierra Leone la isticmaasho furaha Internetka haseeyeshee, furaha Internetka ee dalkaas ayaa ka kooban labada xaraf ee SL oo la mid ah magaca Somaliland oo la soo gaabiyey.

blankSida la ogyahay Ciwaanada bogagga Internetka ee ay leeyihiin magacyada shirkadaha, hay’adaha dowladda ama warbaahinta ee lagu sameeyo furaha Internetka waddan leeyahay, waxa uu ka tarjumaa ama loo aqoonsadaa in laga leeyahay waddankaas.

Haddaba, Fureyaasha iyo Lambarrada gaarka ah ee Internetka, waxa gacanta ku haya hay’ad lagu magacaabo IANA (Internet Assigned Numbers Authority) oo u xil-saaran bixinta, diiwaangelinta, Jaan-goynta iyo dejinta siyaasadda Isticmaalka fureyaasha Internetka.

Furaha Internetka ee dal leeyahay waxa inta badan maamulkooda gacanta ku haya Wasaaradaha kushaqada leh ee Dowladaha adduunka ama hay’ad gaar loo leeyahay oo wakiil uga noqota maamulkeeda iyo kiraynteeda, waxaana uga soo xerooda lacago adag oo laga qaado shirkad ama hay’ad kasta oo isticmaasha furaha.

Furaha dalka Sierra Leone, waxa ka wakiil ah (Sporsor) shirkadda Sierratel oo ah shikadda ugu weyn shiradaha isgaadhsiinta ee dalkaas.

blankBalse Diiwaangelinta (Registry) Furaha Internetka ee dalka Sierra Leone, waxa oggolaansho u haysta ama kooto loogu xidhay shirkad bixisa adeegga internetka oo gaar loo leeyahay, laguna magacaabo Afcom, taas oo sannadkii 2007-dii ay ku wareejiyeen Guddiga Qaran ee Isgaadhsiinta dalka Sierra Leone.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories