HomeSomaliland Oo Suuq Cusub U Raadinaysa Dhoofinta Xoolaha

Somaliland Oo Suuq Cusub U Raadinaysa Dhoofinta Xoolaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda  Xanaannadda xoolaha ee Somaliland , ayaa sheegay in ay suuq cusub oo loo dhoofiyo xoolaha u raadinayaan, isagoo xusay in ay saamayn ku yeesheen dagaaladda dalka Yemen ka socdaa xoolihii la dhoofin jiray.wasiirka xanaanada xoolaha

Cumar Sheekh Maxamed faarax,    oo shalay  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskii  waxa uu sheegay in dagaaladda ka socda dalka Yemen ay saamayn ku yeesheen dhoofintii xoolaha ee Somaliland, maadaama oo ay Somaliland xoolo aad u badan u dhoofiso wadamadda Khaliijka Carabta.

Si taas xal loogu helana ay ku hawlan yihiin qorshe suuqyo cusub loogu iibgeynayo xoolaha Somaliland. Waxaanu yidhi “Waxa keliya ee aynu haysano ee aynu dibadda u dhoofinaa waa xoolaha nool, taasina saamayn guud ayay inagu yeelanaysaa xagga dhaqaalaha. Waxaanu rejaynaynaa in ay arrintaasi si dhakhso ah inooga dhamaato, si ay xoolaheenii xuuq u helaan”.

Wasiirku waxa uu xusay  in ay ku talo jiraan sidii loo raadin lahaa suuqyo kale oo loo iibgeeyo xoolaha oo aan ahayn wadamadda Khaliijka. “Waxa kale oo aanu ku tallo jirnaa in aanu helno suuqyo kale oo ka duwan Khaliijka, oo wadamadda Eeshiya ah, sida Maleesiya, Thailand, ama Indooniisiya  ha ahaato in aanu meelo kale suuq ua raadino xoolaha, oo aynaan meel keliya ku koobnaanin” ayuu yidhi  wasiirka xooluhu.

Dhinaca kale wasiirku waxa uu ka hadlay heshiis ay dhawaan dawladda Muqdisho la gashay dawladda Masar, kaasi oo ku saabsanaa in xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo dalkaasi Masar. Iyadoo taas bedelkeedana ay dawladda Masar casriyayn iyo balaadhinba ku samaynayso dekaddo ay ka mid tahay ta Berbera.

Isagii arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wixii la isku odhan jiray Soomaaliya warkeedii way dhamaadeen, oo imika laba dawladood oo walaalo ah oo jaar ah ayaynu nahay, oo manta  in uu wadan-na wadanka kale  dhulkiisa sheegto wakhtigeedii ma taagna, taasina (heshiiska) wax ay wax ka jiran ma aha, mana aha wax khuseeya Somaliland. Wax ay Somaliland ogolaanayso, ama ay ka og tahay, ama ay ka war qabto heshiis ay Masar la gashayna ma jirto”.

Sidoo kale wasiirka Cumar, waxa uu tilmaamay in heshiiska ay dawladda Xamar la gashay Masar aanu khusaynin Somaliland, isla markaana aanay dawladda federaalku xukumin Somaliland iyo dhulkeedda. Sidaas darteedna aanay jiri Karin sabab ay u sheegato ama xoolo uga dhoofiso dekadaha Somaliland.

“Dawladda Soomaaliya haddii ay sheegatay dhulka Somaliland iyada ayay jirtaa,  oo ma xukunto halkan (Somaliland), haka dhoofiso  Xamar, Boosaaso iyo Kismaayo ha uga dhoofiso  Masar xoolaheeda. Laakiin halkan shaqo kuma laha, Somalilad waa wadan jira, waa qaran Jira,  wadan Xamar  looga taliyana ma aha wadankani” ayuu yidhi wasiirku.

 

Mar uu ka hadlayay muranka ka taagan buuralayda Siimoodi ee degmadda Baki oo hawlo macdan qodis ah ay ka wado shirkad Shiine ahi, waxa uu yidhi  “Murankaasi ma aha mid ilaa xad sii jira ma aha. waa arrin laga wadahadlayo, waxa keliya ee laga wadahadlayaana waxa weeyi  dadka deegaanka in la wacyi geliyo,  in wax loo sheego, in sida ugu haboon  wax looga dhaadhiciyo. Laakiin wixii khayraad ah ee wadanka lagala soo baxayo la is-hortaagi maayo”.

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories