HomeSOMALILAND Oo Si Weyn Loogu Dabaal-degay Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamaha Iyo Hadalladii...

SOMALILAND Oo Si Weyn Loogu Dabaal-degay Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamaha Iyo Hadalladii Laga Yidhi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tacaddi yaa gala? Yaase laga galaa? Waxa gala cidda ugu xooga weyn kolba waddanka la joogo, yaa laga galaa?..” Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Maxamed Baaruud

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad lagu weynaynayey Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamaha adduunka oo ku asteysan sannadkasta 10 December, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ay soo qaban-qaabiyeen Komiishanka xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland,ayaa waxa sannadkan halku dhigu ahaa“Maammuus, Xorriyad iyo Caddaalad loo siman yahay”, isla markaana waxa ka soo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Ururada bulshada rayidka,  Fanaaniin, Ururka NOW, Haween, Dhalinyaro iyo marti-Sharaf kale oo tirro baddan. Sannadkan waxa dhacay kufsigii ugu badnaa oo 42 hablood ayaa sannadkan la kufsaday, 280 nin ayaa ku eedaysan !

Agaasimaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland Md. Cabdisamad Sacad Xassan ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay maalinta xuquuqda aadamaha adduunka, isla markaana loo baahan yahay in la is xasuusiyo madax iyo shiciba, waxaanu yidhi “Sidaynu la wada socono Dastuurkeena qoddobka 27aad waxa uu si cad u sheegayaa xuquuqaadka qofka xorriyadda laga qaado, waxyaabaha sannadkan aadka muhiimka u ah ee kordhay waxa ka mida ee u baahan in wax laga qabto waxa ka mida arrinta kufsiga, oo ah arrin aad ugu muhiima in xeerkeedii la helo. Komiishanka Xuquuqal Iinsaanku waxa uu soo dhaweynayaa maanta waxay joognaa “Xuska maalinta xuquuqda aadamaha adduunka”, maalintan u-jeeddadeedu waa is-baraarujin, iyo is-xasuusin inaynu is xasuusino madax iyo shici-ba, muhiimadda ay leedahay arrinta xuquuqal aadamuhu ama ilaalinta xuquuqaadka bulshadu. laga soo bilaabo 25 November 2022 ilaa maanta oo ay tahay 10 December waxay dunidu isla qaadatay inay noqoto 16-ka cisho ee ololaha xuquuqda Aadamaha, gaar ahaan dadka nugul oo la is xasuusiyo oo la is-dul-taago maanta la soo gebogabeynayo. Maalintii 1948-kii ay qaramada midoobay u asteysay inay tahay maalin la xuso, oo la is xasuusiyo arrimaha xuquuqda aadamaha, halku dhiga dunidda oodhan isla qaadatay waa “Maammuus, Xorriyad iyo Caddaalad loo siman yahay”

“Komiishanku waxa uu mar walba sameeyaa kormeero, uu ku kormeero xaalad kasta oo uu u arko tacadi, gaar ahaan goobaha xabsiyada iyo saldhigyada si uu wax uga ogaado xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista halkaasi ku jirta. Waxyaabihii ugu weyna ee kormeeradaas ka soo baxa waxa ka mid ahaa arrinta xuquuqaadka madaniga ee ay u xidhan yihiin maxaabiistu oo ah arrin u baahan in tallo qaran laga yeesho si loo helo xal sharciya oo ay maxaabiistaasi xuquuqdoodii ku helaan. Maxaabiis dhameysatay xadhigii loogu tallogalay, laakin xabsiyada ugu jira dayn madaniya oo uu qof ku leeyahay,dhammeystirka siyaasadda qaranka ee xuquuqal Iinsaanka ….Komishanku waxa uu sannadkan diyaariyay qorshe hawleedkii shanka sanno ee soo socda, Waxaan u mahad-naqayaa hay’adaha wada shaqeyntu naga dhaxeyso sida hay’ada UNDP, UNSOM iyo UNHCR”. Ayuu yidhi Agaasime Abdisamad

Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka qaranka Somaliland Md. Mohamed Baaruud ayaa u mahad-celiyay dhammaan-ba ka soo qeybgalayaashii xuska maalinta xuquuqda aadamaha adduunka oo sannad kasta loo dabaal-dega 10 December, waxaanu yidhi “Inaad nagala qeybgashaan maalintan qiimaha leh, oo 74-sannadood ka hor la yidhi waa in xuquuqda bini’aadamka oodhan la wada ilaaliyo, la sii ilaaliyana xuquuqda dadka jilicsan. Waxyaabaha uu muhiimsan waxa weeyaan qofku haddii uu wax-barto, oo uu inankiisa iyo inantiisa waxbaro qofkaasi isaga ayaa ilaashanaya xuquuqdiisa oo dabagalaya oo ogaanaya inay wax ka maqan yihiin”
“sharafta qofka waxa lagu sheegay qu’raankeena kariimka ah oo lama kala sheegin rag iyo dumar kuu yahay,mid naafo ah, mid jilicsan, cirroole iyo caruur-ba. Bini’aadamka oodhan ayuu ILAAHAY sharfay, inaguna sidii loo ilaalin lahaa ayaynu ka wada hadleynaa. Tacadii yaa gala? Yaase laga galaa? Waxa gala cidda ugu xooga weyn kolba waddanka la joogo, yaa laga galaa? Waxa laga galaa dadka jilicsan,yaa inoogu xoog-weyn Dawladeena ayaa inoogu xoog-weyn”.Ayuu yidhi Mohamed Baaruud.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Markaa Komiishanku waxa uu leeyahay waar reerka sidaa ha laga daayo, marka uu arko meelo uu isleeyahay waxbaa ka siya,waddanka waynu wada leenahay oo waynu wada ilaashanaynaa, siduu ku wanaagsanaanayana waynu ka wada shaqeynaynaa”

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa ku dheeraaday inay muhiim ay leedahay xuquuqda aadamuhu, isla markaana loo baahan yahay inuu qof waliba qofka kale xuquuqdiisa ilaaliyo,
“Qofkasta meel ayuu masuul ka yahay waa inuu qofkaasi umadaasi xuquuqdooda dhowro, sharaftooda la dhowro iyo cadaaladooda la dhowro….waxaynu u baahanay edaabta hadalka, edaabta wax isku sheegida,”.Ayuu yidhi Saylici.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Mohamed Kaahin Axmed oo ka hadlay Xuska maalinta xuquuqda Aadamaha adduunka, ayaa sheegay in marka la leeyahay waxba lagu xad-gudbayaa waxa la sheegayaa ayuu yidhi waa dawlada, iyo ciidanka booliska, labadayada ayaa la eedeynayaa, isaga oo ku dooday inay garan la’a yihiin cid ay u dacwoodaan oo lagu xad-gudbayo xuquuqda masuuliyiintii dawlada:

“Annaguna cid aanu u dacwoono garan-mayno oo waxaanu leenahay xuquuqdii masuuliyiinta dawlada ayaa lagu xad-gudbayaa… Xisbiyada Mucaaridku waxay doonayaan inay xukuumadda wax ka sheegaan, annagaaba (KULMIYE) ahaan jirnay mucaaridka,hasa-yeeshe imika waxa wax laga sheegayaa waa qaranimadii Somaliland, maaha dawlada KULMIYE,maaha Xukuumadda, Marka ay Xisbiyada mucaaridku leeyihiin Madaxweynaha Somaliland ciddi heshiis lama geli karto, waa qaran diid”. Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Md. Kaahin ayaa hoosta ka xariiqay inaanay saddexa Xisbi diidi Karin Ururada Siyaasadda ee soo baxay, waxaanu yidhi:“Waxaynu nahay dawlad jirta,…Daahir Rayaale Kaahin ayaa loo kordhiyay, Axmed-SIILAANYO ayaa loo kordhiyay, Maxamed Ibraahim CIGAAL ayaa loo kordhiyay, xeer-ba kordhinayaa, maxaa loogu kordhiyay waa sabbabo kale?. Muuse Biixi in mucaarid lagu noqdaa dastuurka ayay ku taala… Maanta walaa KULMIYE ayaa diidi kara, Walaa UCID ayaa diidi karaa, Walaa WADDANI ayaa diidi karaa Ururada Siyaasiga ah ee soo baxay”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland Md.Mustafe Maxamuud Cali Bile,Wasiirka Cadaalada Somaliland, Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Safiir kuxigeena Taywaan, iyo masuulyiin kale kuwaas oo dhammaantood ka hadlay qiimaha iyo muhiimada ay maalintan xuquuqda aadamaha adduunku leedahay, isla markaana sida loogu baahan yahay in la is xasuusiyo oo la isku baraarujiyo, lana ilaaliyo xuquuqda cidkasta ay xaqa u leedahay.
Kooxda Fanaaniinta qaranka ayaa xuska maalinta xuquuqda aadamaha adduunka ku soo bandhigay ruwaayad ka hadlaysay muhiimada ay leedahay xuquuqaadku, isla markaana bulshada ku baraarujinaysay sidii ay u xasuusnaan lahaayeen inay muhiim tahay in qof waliba xuquuqda ILAAHAY siiyay lagu ilaaliyo, isla markaana loo baahan-yahay in aan lagu xad-gudbin oo la dhowro.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories