HomeSomaliland oo si weyn looga Oogay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS...

Somaliland oo si weyn looga Oogay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS iyo Heerka uu Xannuunkani ka marayo dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)0 Waxaa maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay  munaasibad balaadhan oo lagu  xusaayey, xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabiyey Komishanka heer qaran ee Xakamaynta Xanuunkan ee SOLNAC.

blankMunaasibadda waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Horumarina Biyaha iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in sannadkiiba hal mar lays xasuusiyo maalintan caalamiga ah ee loogu talo galay xuska xannuunka Aydhiska.

“Waxaa maanta sharaf inoo ah dhammaanteen inaan kasoo qeyb galno maalintan loo asteeyey in lagu xuso maalinta AIDS-ka ee adduunka, iyadoo looga jeedo in maalintani ay noqoto in sannadkiiba mar lays xasuusiyo dhibaatada xanuunkani leeyahay, sida loo daweyn karayo, sida looga hortagi karayo iyo sida loola macaamili karayo dadka xannuunkani ku dhacay wacyi weyna layska siiyo, iyadoo ay wacyi gelintu joogto tahay”.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta adduunyadu dedaal weyn ugu jirto sidii daawo rasmi ah loogu heli lahaa xannuunkaasi waxaana uu yidhi markale Madaxweyne ku xigeenku

“Imika dunidii waxay gaadhay in dawooyin fiican la helay innaguna in ninkii muslimka ahaa ee walalkaa ahaa aan foqooqno dadka caalamka ugu dhaqaalaha badan sida Bilgayti oo kalena  inuu adduunyada maanta ku bixinayo Bilyan  Doolar sidii uu ummaddaa dawo ugu heli lahaa, miyaanay nasiib daro ahayn ninkii aan islaamka ahayn uu damqanayo uu lacagtiisii maanta ku bixinayo sidii loo heli lahaa dawo rasmi ah oo lagaga bugsado innaga damiirkeenu waa inuu ina faraa inaan qofkaa wixii aan u qaban karno aan u qabano”, sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Agaasimaha Guud ee Komishanka Xakamaynta Xannuun-sidaha Cabdishakuur Ismaaciil Muuminoo ka hadlay munaasibadda ayaa  sharraxaad ka bixiyey wax-qabadka Guddiga sannadkii u dambeeyey iyo sida ay uga hawl-galeen xakaynta xannuunka iyo heerka uu xilligan ka marayo Somaliland.

Agaasimaha Guud waxa uu halkaas ka jeediyey warbixin la xidhiidha heerka uu Somaliland ka marayo Xannuunka AIDS-ku xilligan, isagoo sheegay in baadhis 4000 qof lagu sameeyey sannadkii 2018-dii xanuunka laga helay 239 qof, waxaanu xusay in taasi muujinayso in heerka Is-baadhista ee dadku aad u yar yahay sidaas awgeedna aan la ogaan karin tirada saxda ah iyo heerka xannuunkani dalka ka marayo.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in sannadkan sii dhammaanaya ee 2019-ka ay xannunka HIV/AIDs u dhinteen 55 qof oo haween u badan, isagoo intaas ku daray in Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS raashin iyo daawooyin u qaybiyeen dadka la nool xannuunka Aydhiska.

Dhanka kale, xuska maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS, ayaa sidoo kale laga xusay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories