HomeSomaliland oo Shuruudo ku xidhay Xalka Khilaaf u dhexeeya Qaramada Midoobay

Somaliland oo Shuruudo ku xidhay Xalka Khilaaf u dhexeeya Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Illaa hadda waxa aan la dhamaynin khilaaf u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Khilaafkan oo muddo dhowr bilood ah taagan, ayaanu waxaanu War-bixin ku eegaynaa waxa uu salka ku hayo, waxa shuruudaha Somaliland hor-dhigtay Qaramada Midoobay iyo waxa labada dhinac ku waayi karaan haddii xidhiidhoodu dhamamado.

Halkee ayuu marayaa xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay maxaase ku seeggan Somaliland?

Sidii aanu idiin soo gudbinay bishii tobnaad ee sannadkii inna dhaafay, Wasaaradda Qorshaynta ayaa soo saartay wareegto ay ku joojinayso dhammaan qorsheyaasha arrimaha horumarinta la xidhiidha ee hay’adaha Qaramada Midoobay, taasoo sida muuqatay jawaab u ahayd heshiis iskaashi oo ay wada galeen Qaramada Midoobay iyo Dawladda Soomaaliya, heshiiskaas oo magaciisu ahaa UN Sustainable Development Cooperation Framework (UNCF).

Waxa la filayey in ay labada dhinac khilaafkaas ka heshiis doonaan hawlaha horumarintuna ay sidooda u bilaabmidoonaanmarka la gaadho 2021. Hase ahaatee, ilaa hadda oo laga joogo ku dhawaad shan bilood wax heshiis ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika ka war qabo oo ay dhinacyadu gaadheen ma jiro, walina waxa taagan shaqooyinkii la xidhiidhay arrimaha horumarinta ee ay hay’adahaasi qaban jireen in kastoo hawlihii aadaminimadu socdaan.

Ilaa 20 hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ayaa Somaliland ka hawlgala, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay hawlahoodu hadda u xaniban yihiin khilaafka ka dhex oogan xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Laba toddobaad ka hor waxa Somaliland soo booqday Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, wuxuuna kullamo la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Qorshaynta ee Somaliland iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada. Hase ahaatee Qaramada Midoobay iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna kama hadal halka uu marayo khilaafka u dhaxeeyaa, taa soo loo fasirtay in aan weli wax xal ah laga gaadhin.

Muxuu ku salaysan yahay khilaafku?

Marka laga yimaaddo heshiiska iskaashiga ah ee ay Qaramada Midoobay la gashay Dawladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka cadhaysiiyey Somaliland, waxa jira arrimo ay Somaliland ka doonayso Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku dhigan 7 bog oo qoraal ah oo sida la sheegay ay xukuumadda Somaliland u gudbisay Qaramada Midoobay, dhawaana ay Warbaahintu tebiyeen.

Haddii waraaqahaa la baahiyey dhab yihiin, Somaliland waxay doonaysaa in ay Qaramada Midoobay la gasho heshiis gaar ah iyo borotokool lagu wada shaqeeyo, in si caddaalad ah lagu qaybsado khayraadka adduunku ugu deeqo wixii Soomaaliya la isku odhan jiray, in ay ku dhaqanto khariiddada Somaliland iyo magacyada gobollada Somaliland, in xafiisyada Qaramada Midoobay ee Somaliland ay yeeshaan xafiis-madaxeedyo u gaar ah oo aan ahayn kuwa hoos taga Muqdisho, in daraasadaha ay Qaramada Midoobay samayso aan lagu dhex darin kuwa Soomaaliya iyo sidoo kale in Somaliland lagu soo wareejiyo barnaamijyada qaar, sida ka loo yayaan Food Security and Nutrition Analysis Unit, barnaamijkaas oo lagu go’aamiyo mucaawimooyinka la xidhiidha arrimaha bani’aadanimada.

Ma cadda wali in Qaramada Midoobay ay shuruudahan aqbashay, in ay badh aqbashay iyo in ay dhammaantood diidday.

Maxaa ku seegan Somaliland haddii khilaafku sii dabo dheeraado?

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ee ay Qaramada Midoobayna ka tirsan tahay ayaa lagu qiyaasaa in ay Somaliland ku isticmaalaan dhaqaale lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 300 ilaa 400 boqol oo malyuun oo dollar marka la isku daro arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa horumarinta. Taas macnaheedu waxay tahay in Somaliland ay dhaqaaleiyo mashaariic horumarineed ku waayayso marka ay muddadu sii dheeraataba. Waxa laga yaabaa in saddexdan bilood ee sannadka horraantiisa ay Somaliland khilaafkan kuwaydo lacag qiyaas ahaan gaadhi karta ama ka badan ilaa 40 milyan oo Doollar sida ay dadka qaar qiyaaseen. Haddii ay dhacdo in mashaariicda qaar meelo Somaliland ka baxsan loo wareejiyo ama la dhimo xaddigooda, waxa dhici karta in dad reer Somaliland ahi shaqooyinkooda waayi karaan mashaariic horumarineed oo socdaana meesha ka bixi karaan.

Maxaa ku seegan Qaramada Midoobay?

Hay’adda Qaramada Midoobay oo ay mabaadii’deeda ka mid tahay dhexdhexaadnimadu, haddii is-afgaranwaaga u dhaxeeya Somaliland uu jiimato waxa dhaawac soo gaadhi karaa sumacaddeedii dhexdhexaadnimada, sidoo kale waxay lumin doontaa waddan ay muddo 30 sanno ah soo wada shaqaynayeen oo ka mid ah waddamada Geeska Afrika ee indhahana laga qarsan karin. Waxa iyaduna dhici karta haddii khilaafku aad u fogaado in qaadhaan-bixyeyaasha iyo Qaramada Midoobay ay ku kala aragti duwanaadaan sida Somaliland loo wajahayo taasna ay Qaramada Midoobay dhaqaale iyo saaxiibo ku lumiso.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in khilaafkani aanu labada dhinac midna dan u ahayn, loona baahan yahay in la badbaadiyo wada-shaqayntii Somaliland iyo Qaramada Midoobay ee muddada dheer soo taxnayd.

@Geeska Afrika Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories