HomeSomaliland oo Shir Caalami kaga Garnaqsatay Wax-tarka Aqoonsigeedu u leeyahay Ilaalinta Ammaanka...

Somaliland oo Shir Caalami kaga Garnaqsatay Wax-tarka Aqoonsigeedu u leeyahay Ilaalinta Ammaanka Mandaqadda Geeska Afrika

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maxamed Biixi YoonisDubai (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay Somaliland u garbo-duuban tahay aqoonsi la’aan, waxaanu ku dooday in aqoonsiga dalkiisu aanu faa’iido u ahayn oo kaliya Somaliland, hase yeeshee uu saacidayo danaha muhiimka ah ee caalamka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shir lagaga hadlayay la-dagaalanka budhcad badeedka oo lagu soo gabo-gabeeyay dalka Imaaraadka carabta, sida lagu bayaamiyay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), waxaanu u dhignaa sidan:-

 “Xidhitaankii shirweynihii Caalamiga ahaa ee ka hortaga Budhcad Baddeeda ee lagu qabtay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta oo uu Wasiirka Arrimaha Dibbeda Somaliland Md. Maxamaed Biixi Yoonis khudbad uu ka jeediyay waxa uu yidhi

“Somaliland waxay ku faantaa hormoodka koowaad ee ay ka tahay la dagaalanka Budhcad Baddeeda ee Gobolka, iyadoo ay yar tahay Resource-ka ay haysataa. Waxaannu abuuray ciidammadda ilaalada xeebaha oo tayo leh, kuwaas oo xeebahayaga ka dhigay meel ka caagan inay noqoto Saldhiga Budhcad Baddeedka.

Ku dhawaad 100 (Boqol) qof oo ku eedaysan falal Budhcad Baddeednimo ayaanu ku qabanay xeebaha Somaliland, iyadoo 10 (Toban) ka mid ah ay sugayaan in Maxkamadda lagu saaro magaaladda Berbera ee Somaliland.

 “Waxaannu Bulshadda Caalamka (International Community) ugu mahad celinaynaa kaalmadda joogtada ah ee ay noo fidiyaan, waxaanuna halkaas ka sii wadi doonaa wada shaqaynta aannu la leenahay Quwadaha Caalamiga ah ee Badaha iyo dawladda Soomaaliya.

Hase ahaatee, aqoonsi la’aan iyo xuquuqda uu aqoonsigu siiyo dalalka xorta ah oo naga maqan darteed ayaanaan si habboon u maamuli Karin dhaqaale ahaan, suurtogalna ma aha inay ciidamadda Baduhu ku soo xidhaan Dekedahayaga. Waxaannu ka qatanay mucaawimooyinka muhiimka ah ee noo suurtogelin lahaa la dagaalanka Budhcad Baddeeda.

Haddaba, waxaannu u sheegaynaa bulshadda Caalamka in aanaan awood ahaan waxba la hadhin si aannu Gobolka uga sifayno khatarta Budhcad Badeednimada, waxaanuna sii wadi doona wada shaqaynta, laakiin ilaa aannu helo aqoonsi waannu Garbo Duubanahaye.

Somaliland waxay baadi-goobaysay inay aqoonsi caalami ah hesho, loona aqoonsado Qaran madax-banaan ilaa sannadkii 1991-kii. Aqoonsigu faa’iidooyin badan oo keliya dadka reer Somaliland uma laha, waxa uu wax weyn ka tari doonaa danaha istiraajiyadeed ee muhiimka ah ee Caalamka. Oggolaanshaha aqoonsi Somaliland ka hesho Caalamku waxa uu hore-u-marin doonaa Nabadgelyada, dhaqaalaha iyo dimuqraadiyada gobolada ugu xasiloonida daran adduunka.

Somaliland waxa u dejisan qorsheyaal sii xoojinaya la dagaalanka budhcad Baddeedka ee aayaha dambe, oo ay ka mid tahay curinta Istiraatijiyada Badaha ee Qaran ‘National Maritime Strategy’. Istiraatijiyadan waxay hoosta ka xarriiqaysaa Duruufaha gaarka u ah Somaliland, iyadoo la xidhiidhsan qorshaha Horumarka Shanta Sanno ee Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories