HomeSomaliland oo sheegtay inay Miiska Wada-hadallada Somaliya la tegayso Ka-Qancinta Eedaymo Xaasaasi...

Somaliland oo sheegtay inay Miiska Wada-hadallada Somaliya la tegayso Ka-Qancinta Eedaymo Xaasaasi ah oo kaga yimi maamul-goboleedka Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay kaga garnaq-sanaysay Shirarka Wada-hadallada u socda Soomaaliya eedayn maamul-goboleedka Puntland ugu jeediyey inay taakulayso maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

Wasiir ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa gef iyo meel-ka-dhac aan loo meel-dayin ku tilmaamay eedaymo Puntland ugu jeediyey Somaliland inay taageerto kooxda Xag-jirka ah ee Buuraha Gal-gala kula dagaalanta ciidanka maamul-goboleedkaas.

cismaan garaad soofeWasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in beesha caalamku ka war-hayso xaqiiqada ka jirta Somaliland isla markaana ay arrintaas kaga hadli doonaan wada-hadallada u socda Dawladda Soomaaliya maadaama maamul-goboleedka Puntland ka tirsan yahay Somaliya.

Md Cismaan Garaad Soofe oo ka jawaabayay eedaha maamul-goboleedkaasi u jeediyey Somaliland, waxa uu yidhi, “Waxaan ka jawaabayaa war uu ku baahiyay saxaafadda ninka ah Wasiirka amniga ee Puntland, warkaas  oo ah mid waxba kama jiraan ah, war been abuur badani ku dhex jiro, gef badana ka dhex muuqdo, waxyaabahaasina kuwo aanu qabno aanay ahayn.arrimo badan ayuu ka hadlay.”

“Waxaanu leenahay wasiirka amniga Puntland deris wanaag baa inaga dhexeeya, deris-wanaaggana in la xumeeyo ma fiicna. Annagu waanu ku dedaalaynaa waxkasta oo dhib ama isku dhac  inoo keeni kara inaanu ka digtoonaano, hase ahaatee sidaad wax u wadda maaha sidii derisku ahaan jiray ee waa deris xumo, hadallada aad sheegaysaan waxa ku jira deelqaaf badan.  Arrimaha aad ka hadlaysay ee ay ka mid ahayd in annagu kooxda Al shabaab la saaxiib nahay ama meesha annagu aanu ku hayno waa mid aanay waxba ka jirin caalamka oo dhanna ogyahay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay inay arrintan jawaab-bixinteeda kaga hadli doonaan wejiyada soo socda ee wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dawladda Somaliya hadda waxa noo dhexeeyo wada hadal, wada hadalkaas oo ah mid si wanaagsan u socda oo aan immika la odhan karayn dhaliilo afka ah oo aanu u jeedinayno, wada hadalkaasina meel fiican buu marayaa, wasiirkana waxaanu jecel nahay gefafkaa badan ee uu na saarayo waxaanu kaga hadli doonaa shirarka aanu iskugu iman doono dawladda Somaliya, maadaama Puntland tahay maamul hoosta dawladda Somaliya,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, waxa uu wasiir ku-xigeenka Arrimaha Guduhu ugu baaqay maamul-goboleedka Puntland inay ilaaliyaan deris-wanaagga iyo xuduudaha Somaliland, waxaanu yidhi, “Arrinta dhanka xuduudaha in badan baa lagu celceliyay, xuduudu waxay tahay waa la yaqaanaa, Somaliland dhulkeedu intuu yahayna waa la ogyahay waana wax caalamiya oo loo garanayo, adiguna waxaan filayaa waad garanayso haddii aanad is yeelyeelayn, wax laga noqonayana maaha, sidaa ay tahay cid ka bedeli karaysaana haba yaraatee ma jirto, afkaaga iyo hadalkaagutoona ma beddelayo. Waxaan guud ahaan ku hadlayaa kana cadaynaya in hadalkaasi yahay deelqaaf.”

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories