HomeSomaliland Oo sheegtay in ay joojisay Qaxoontiga ka yimaadda Dalka Yeman

Somaliland Oo sheegtay in ay joojisay Qaxoontiga ka yimaadda Dalka Yeman

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (Slpost.net)- Dawladda Somaliland,  ayaa dalkeeda ka mamuucday inay soo galaan qaxoontiga ka  soo cararaya dagaaladda ka socda dalka Yeman, tallaabadaasi  ayaa dambaysay ka dib markii xanuunka uu  ka dilaacay dalka Yeman.Sida uu noo sheegay badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf  Axmed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo  joogay magaaladda Berbera. Waxaanu tilmaamay badhasaabku  in xukuumadda Somaliland  ay amar ka soo saartay in aanay dalkeeda soo geli Karin qaxoonti dambe oo ka socda Yeman,

Qaxoontigii  u dambeeyay ee ka yimid dalka Yeman ayaa Somaliland soo gaadhay habeenimadii Sabtidii todobaadkan, kuwaasi oo mudo laba habeen iyo laba maalmood  ah ku dul xanibnaa doontii siday oo ku soo xidhatay dekadda magaaladda Berbera,  iyadoo caafimaadkooda la baadhayay mudadaasi  ka dib-na loo ogolaaday inay doonta ka soo degaan.

“Way jiraan qaxoontigaasi ilaa 48 qof ayay ahaayeen, oo isugu jiray Soomaali iyo Yemaniyiin, habeen hore (Sabtidii) ayay doonta siday ku soo xidhatay dekedda Berbera. Markaa maanta  (shalay) intii dhakhaatiirta loo diyaarinayay ayay doonta ku jireen, waxaana jirta in cudurka chollera uu ka dilaacay dalka Yemen.

Markaa  caafimaadkooda wax  aan la hubin ma soo geli karaan dalka,  inkastoo ay dawladu mamnuucday in aanay  soo geli karin,  qaxoonti ka yimid Yeman, laakiin maanta (shalay) markii ay dawladu hubisay dad iska rafaadsan inay yihiin, dhakhaatiirtu-na ay hubiyaan caafimaadkooda waa la soo daayay, habeen hore ayay doontu soo xidhatay  Berbera, maanta (shalay)  ayaanay  qoladda caafimaadku u diyaargarawday, Qaxoonti dambe oo Yeman ka yimaada   ilaa inta xanuunkaasi ka jiro, oo wadanka imanayaa ma jirto,”ayuu yidhi Badhasaabku.

Guddoomiyaha Saaxil  waxa uu sheegay in tallaabaddaasi ay ku wargeliyeen, isla markaana la socodsiiyeen hay’adaha IOM iyo UNHCR oo kala shaqeeya xukuumadda Somaliland dejinta iyo qaabilaada qaxoontiga ka yimaada Yeman, waxaanu yidhi  “Waanu kala hadal-nay hay’adaha UNHCR iyo IOM, waanan isla qaadanay, oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa cid walba u sheegay E-mail-lo ayaa loogu diray, markaa qaxoonti danbe oo ka socda Yeman oo  dalka iman karaa ma jiro ilaa inta xanuunkaasi Yeman ka dilaacay uu dhinac u dhacayo.”

Jaamac Yuusuf Axmed, waxa kale oo uu sheegay in qaxoontigan u danbeeyay ee Yeman ka yimid inay muddo toban maalmood ah sii joogi doonaan Berbera si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo caafimaadkooda. “Maya, meelihii ay u kala socdeen looma ogalaan in ay tagaan,  toban maalmood ayay halkan (Berbera)  ku hakanayaan, inta caafimaadkooda aad loo sii hubinayo” ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.”

Dhinaca kale wuxuu sheegay badhasaabku  in doonta  ama markabka qaxoonti ka soo qaada Yeman in la ganaaxi doono, isla markaana xukuno lagu ridi doono. “Doonta danbe ee soo qaada dad kale oo qaxoontiga Yeman ka imanaya  ah,   ganaax iyo xadhig ayay mudan doonaan, waanan wargelinay dhamaantood.” Si kasta ha ahaatee Somaliland ayaa waxaa soo gaadhayay qaxoonti ka soo cararay dagaaladda Yeman tan iyo markii ay dalkasi ka qarxeen dagaaladda u dhexeeya dawladda  Yeman  iyo kooxaha jabhadda xuutiyiinta  sanadkii 2014-kii,  iyadoo Somaliland waktigaa ku dhawaaqday inay qaabilayso qaxoontiga Yeman ka imanaya. Waxaana dalka  Somaliland ku sugan dhawr boqol oo qaxoonti Yemaniyiin ah, kuwaasi oo qaarkood ay ka shaqaystaan magaalooyinka,  inkastoo tiro badan oo ka mid ah ay Somaliland uga sii gudbaan dhinaca dalka Jabuuti si ay codsiyo qaabilaadeed  iyo qaxoontinimo uga helaan safaaradaha dalalka reer Yurub ay  Jabuuti ku  leedahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories