HomeSomaliland Oo Shaacisay Inay Joojisay Qaxoontiga Ka Imanaya Yemen Iyo Sababta Keentay...

Somaliland Oo Shaacisay Inay Joojisay Qaxoontiga Ka Imanaya Yemen Iyo Sababta Keentay Go’aankaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta shaaca ka qaaday in Somaliland guud ahaanba laga joojiyay dadka qaxoontiga ah ee kasoo qaxaya dalka Yemen.warancade-200x200

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si cad u sheegay in laga bilaabo maalinta bari ah in Somaliland joojisay guud ahaan dadka qaxoontiga ah ee ka imanaya dalka Yemen, sababo la xidhiidha dhinaca amniga iyo hay’adihii qaabilsana qaxoontiga oo ka gaabiyay inay Somaliland ka gacan siiyaan dadkaas qaxoontiga  ah. “Dawladda Somaliland waa dawlad yar oo aan weli dunida laga aqoonsan intii hore annagaa la kacaa kufnay oo hayna, laakiin waxa dambe ee soo socdaa way naga xoog badan yihiin, dhaqaale ahaan. Waxa kale oo aad la socotaan in caalamku uu warwar weyn ka qabo dhinaca nabadgelyada oo dadkaa masaakiinta ah ee qaxoontiga ah ay ku dhuuntaan dad qas wadayaal ah. Sidaa darteed caalamka waxaanu u sheegaynaa inta aanu ka helayno caawimo xaga nabadgelyada ah oo aanu la kaashano dunida iyo inta loo helayo dadkaasi waxay quutaan, laga bilaabo bari waxaanu joojinay dadkii ka imanayay Yemen,  maadaama oo dhinaca nabadgelyada iyo dhinaca quudintoodii dadka reer Soomaaliya ee ay hay’adduhu diideen inay wax siiyaan oo ay diideen inay gaadhsiiyaan halkii ay u socdeen, anaguna inaanaan qaabili karin, awoodna aanaan u lahayn, haddii ay tahay dhinaca nabadgelyada iyo haddii ay tahay dhinaca quudintaba, sidaasaanu u joojinay dadkii reer Soomaaliya ee ka imanayay Yemen, dekeduhuna ay ka xidhan yihiin.” Ayuu yidhi wasiir Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha guduhu waxa kale oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay arrimo la xidhiidha qaxoontiyada dalka ku sugan iyo sida markii horeba Somaliland ay gacan u siin jirtay dadkaas, waxaanu yidhi. “Waxaad la socotaan in Somaliland gacmo furan kusoo dhaweysay dadkii kasoo qaxay dhibaatada Yemen dhalashaduu doono ha lahaadee, maantana dalkeena waxa jooga tiro badan oo ilaa saddex kun iyo dheeraad ah, waxaananu imika filaynaa inay aad  u soo qulqulaan dadka qaxoontiga ah ee kusoo waajahan Somaliland. Dunida marka dhibaato ama qax ka dhaco waxa u gurmada hay’adda ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa gargaarka fidiya, waxa dhacday, iyadoo ay kumanaankaas qof ee u dhashay Soomaaliya ay joogaan Somaliland in hay’addihii ay ka gaabiyeen ,kana joogsadeen in dadkaas masaakiinta ah ee aan xoolahana wadan, xoogana haysan inay quudiyaan, kaalmo lagu hayo u sameeyaan, noloshooda kafaalo qaadaan.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories