HomeSomaliland Oo shaacisay In wada hadaladii u socday Soomaaliya ka furmayaan turkiga

Somaliland Oo shaacisay In wada hadaladii u socday Soomaaliya ka furmayaan turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)-Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay dalka Turkiga ka furmi doonaan todobaadka fooda inagu soo haya.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramayay warbaahinta qaranka, waxaanu yidhi “Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota. Markaa wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan ma aha.”

maxamed biixi2

“Wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”ayuu intaas raaciy Wasiir Maxamed Biixi.
Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in dalka Ingiriiska isaga iyo Wasiirka Ganacsigu ay kula kulmeen mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shiidaalku sidii ay u isticmaali lahayd marsadda Berbera, waxaanu yidhi “Waxaanu tagnay aniga iyo Wasiirka Ganacsigu Ingiriiska, waxaanu la shiraynay dad kala gedisan Shirkadda la yidhaahdo DITOL, waa mid ka mid shirkadaha ugu waaweyn caalamka, oo dakhligooduna uu ahaa sanadkii ina dhaafay 400 oo malyuun oo tan oo saliid ah ayay caalamka u kala gudbiyaan. Waxay ahmiyad weyn siinayaan inay dalkeena wax ka qabtaan oo ay saliida qaydhiin Itoobiya iyo wadamada dariska tagaysa Berbera soo mariyaan. Waxaanan ku kalsoon nahay sidii shirkaasi aanu la yeelanay noogu qabsoomay.”

Wasiirku waxa uu ka jawaabay eedo ka soo yeedhay murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID oo ku tilmaamay siyaasadda dibadda Somaliland mid fashilan, waxaanu yidhi “Wasaaradayda waxa la yidhaahdaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaan ahay albaabkii innaga (Somaliland) iyo ajanabiga u dhaxeeyay. Waa inaan soo dhaweeyo oo aan dad mashaariic wada dalka keeno oo aan ku xidho wasaaradii ay kolba hawsha laga hadlayaa ay khusayso.”
“Imika Caalamku waxa uu imika marayaa in dhaqaale iyo horumarka laga shaqeeyo. Maanta waddankanna waxa uu u baahan yahay horumar iyo dhaqaale, waxa uu u baahan yahay wax tahriibka innaga joojiya, waa inaynu qof weyn iyo mid yarba ku dedaalo inaynu shirkado waaweyn dalka keeno,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu, waxaanu intaas ku daray “Marka aad shirkado waaweyn dalka keento dan ayay dalkaagii ku yeelanayaan. Markaa dhaqaaluhu waa siyaasadda ugu weyn ee wasaaradda khaarajigu hayso.”

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories