HomeSomaliland Oo Shaacisay go’aankeeda ka qayb-galka Shirka Soomaalida ee Turkiga, una hanjabtay...

Somaliland Oo Shaacisay go’aankeeda ka qayb-galka Shirka Soomaalida ee Turkiga, una hanjabtay Muwaadin kasta oo Qaranimada Somaliland meel kaga dhaca

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inaanay ka qeyb galayn shirka dalka Turkigu ay bisha June u qabanayaan Soomaaliya, waxaanay sheegtay in shirkaasi lagu falan-qeynayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in shirkaasi aanu khusayn Somaliland oo uu tilmaamay inay tahay qaran madax-banaan.

“Marka ugu horayso ajandaha shirkan Turkiga lagu qabanayaa uu u badan yahay arrimo xagga siyaasadda ah oo dawlad loogu  dhisayo dalka Soomaaliya, arrimahaasina ma aha arrimo khuseeya Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Somaliland waa dal madax-banaan oo arrimihiisu u gaar yihiin. kamanay mid ahayd dariiqaas khariiradda nabadda (Road map-ka).sida waraaqaha loo soo dhigayna kama turjumayso qaranimadda iyo madax-banaanida Somaliland, haddii aan arrintaas wax laga qabanna ma filayo inay Somaliland ka qeyb-geli doonto shirkaasi.”

“Shirkaasi imika sida loo soo dhigay ma ah si aanu ku tagi karno, waxaanu dalbaynaynaa dawladda Turkigu anagoo danaynayna qeybo ka mid ah arrimaha lagaga hadlayo shirkaa qeyb ka mid ah oo  xagga dhaqaalaha iyo horumarka  u badan inay dib u eegto nidaamka ay Somaliland kaga soo qeyb galayso Somaliland oo aanu jecel nahay  inuu noqdo mid la mid ah kii shirkii London aanu kaga qeyb-galay bishii febarwari ee sanadkan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.

Wasiirka oo la weydiiyay mawqifka Somaliland ee la xidhiidha shir Muqdisho ka furmay oo ay ka qeyb galeen Salaadiin aad u badan oo lagaga hadlayo ansixinta dastuurka cusub ee Somaliland, isagoo arrintaasi ka jawaabayayna wuxuu yidhi  “Horta marka  u horeysa waxaanu rajaynaynaa in lagu najaxo, dedaalka lagu wado sidii Soomaaliya nabad iyo dawladnimo loogu soo celin lahaa. Hase yeeshee dastuurkaas doodiisa, xulashadiisa, arrimihiisa iyo ansixintiisuba oo la sheegay inay Soomaaliya ka bilaabmeen. Waa dastuur aan khusaynin Somaliland.”

“Somaliland waa qaran madax-banaan oo dastuur u gaar ah leh oo muddo 21 sanadood ahna dalkeeda madax-banaani ku maamulanaysay, waxaanu ka xunahay in dastuurkaasi la sheegay in arrimihiisa lagu gudo-jiro inuu sheeganayo oo ay ku jirto gobolo ka mid ah Somaliland. Arrintaasna waxaanu u aragnaa mid nasiib darro ah oo aan Soomaaliyana aan wax u tarayn, Somaliland-na aan khusayn. Waxaanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta arrintaasi ku hawlan inay ka saaraan sheegashada ay had iyo jeer sheeganayaan gobolo ka mid ah Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo la weydiiyay sida uu u arko salaadiin reer Somaliland ah oo shirka ansixinta dastuurka Soomaaliya lagu soo casuumay, wuxuu ku jawaabay “Salaadiintu iyagaa nagaga lexjeclo badan qaranimadda Somaliland, dalkana iyagaa bud-dhig u ah nabad-gelyadiisa iyo dhismihiisaba. Laakiin arrintan ka qeyb galka dawladda loo samaynayo Soomaaliya iyo dastuurkeeda, arrin sharciga dalku ogol yahay ma aha salaadiinta iyo dadka kaleba way ka war-hayaan xeer baa dalkan ka jira oo aan arrimahaasi fasaxayn. Dawladda Somaliland iyadoo wakiil ka ah qaranka, waxa dhawaan Baarlamaanka Somaliland u fasaxay inay ku meteli karto dalka wixii wada hadal ah ee lala yeelanayo Soomaaliya. Walaa siyaasiyiin, salaadiin, xisbiyo cid aan dawladda ahayn oo ka qeyb gali kartaa oo sharcigu u ogol yahay wada hadalo nabadeed ama siyaasadeed  oo lala galo Soomaaliya ma jirto oo lama ogola.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories