HomeSomaliland oo Shaaca ka qaadday in Ciidankeedu galayaan Taleex haddii Shir ku...

Somaliland oo Shaaca ka qaadday in Ciidankeedu galayaan Taleex haddii Shir ku lid ah lagu qabto, dawladda Itoobiya-na ka dacwaysay Ciidan soo tallaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)-Dawladda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidammadeedu geli doonaan haddii degmada Taleex ee gobolka Sool lagu qabto wax shirar ah oo lagaga soo horjeedo wada-jirka iyo Qarannimada Somaliland, isla markaana ay dawladda Itoobiya ku qancisay inaanay waxba ka jirin qaylada iyo borabagaandaha uu Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland faafinayo ee ay ku sheegayaan Ciidanka Qaranku ku duulay Taleex.

Maxamed Biixi YoonisWasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa Waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula yeeshay, waxa uu Wasiir Biixi ku sheegay inaanay Somaliland u dul-qaadan doonin in shirar ku lid ah Qarannimadeeda lagu qabto Taleex, haddii ay taasi dhacdana ay Ciidanka Qaranku geli doonaan halkaas iyo guud ahaan deegaan kasta oo dalkeeda ka mid ah oo lagu qabto shirar aan u danaynin wada-jirka bulshada iyo dawladnimada.

Waxa uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Mr. Maxamed Biixi waraysiga Himilo la yeeshay tafaasiil ka bixinayey kulan ay yeesheen dhiggiisa Itoobiya, oo uu sheegay inay u gudbiyeen cabasho Somaliland ka qabtay farogelin kaga timi Ciidammo Itoobiyaan ah oo yimi Taleex, isla markaana loo ballan-qaaday inaanay dib u dhici doonin.

Wasiirka oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey kulan ay wada yeesheen Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya iyo waxa xilligan keenay kulankooda, waxa uu yidhi; “Sababta keentay kulanka waxay ahayd inaan la wadaagno xaaladaha dalka iyo gobolka guud ahaan ka socda, khaasatan arrimaha ku lug leh Puntland, Khaatumo iyo Taleex, oo war fiican ka siinno in Somaliland tegtay dhulkeeda sida Taleex oo ashkhaas doonayey inay shir ku qabtaan, wakhtiganna ay soo noqdeen, haddii ay ka fursan weydana aannu ku laaban doonno. Marnaba ma oggolaan doonno in shir lagu qabto. Waxaan u sheegnay inaannu nahay dad nabad jecel, balse aan aqbali doonin in Xuduudaheeda hawl aan Xukuumaddu oggolayn lagu qabto.”

“Waxaan kala hadlay gar-darrada Puntland iyo waxyaalaha ay warbaahinta kaga hadlayaan, balse loo baahan yahay inay faraha kala baxdo arrimaha Somaliland, iyo sidoo kale diyaaradda Xamar ka soo duushay annagoo wada-xaajood noo socday, horena laysula qaatay inaan dhinacna gacan siin qolo dhibaato ku keenaysa dhinaca kale ama imaanshahoodii Killilka Shanaad ee Itoobiya, inaan guud ahaan gacan la siin, iskana kaashanno dhinacayaga iyo dhinaca Itoobiya-ba. Adduunka iyo cid walbana u sheegaan in Somaliland nabad jeceshahay, balse aanay oggolaan doonin in Xuduudaheeda cidi ku soo xad-gudubto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Mar Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland la weydiiyey inay Ciidanka Itoobiya la socday Cali Khaliif Galaydh iyo in kale iyo jawaabta ay Itoobiya ka bixisay arrintaas markii ay u gudbiyeen waxa uu yidhi; “Itoobiya waxay sheegtay inaanay oggolaan doonin cid kastoo khalkhal-gelinaysa nabadgelyada Somaliland ama xuduudkayaga laga soo tallaabo. Sidaad la socotid Askar Boolis ah oo magaalada Buuhoodle dhinaca Itoobiya joogay ayaa la socday diyaaraddii oo soo dhoweeyey, waxaannu ballan-qaaday Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya inaanay dib u dhici doonin, tallaabana ka qaadan doonaan faro-gelinta Askarta kililka shanaad ee u soo tallowday Somaliland.

Waxaa Wasiir Biixi la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo socdaalkooda Itoobiya oo dadka qaarkood u arko inuu la xidhiidho raalli-gelin ay Somaliland ka bixisay Saraakiil Sirdoonka Itoobiya ka tirsanaa oo Gabiley lagu xidhay, waxa uu yidhi; “Maya! Taa lama xidhiidhin tegitaankayaga Itoobiya. Falkaa horena waxaannu kala hadalnay Safiirka Itoobiya u jooga Somaliland Brig. Jen Tesfaye, una sheegnay inaan tallaabo ka qaadnay Ragii falkaa sameeyey ee Ciidanka ahaa, aad bay ugu qanceen. Itoobiya dhinacooda way baadhayaan inuu khalad jiray.

 

SOMALILANDPOST.NET

 

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories