HomeSomaliland oo Sannadka Bilaabmaya Dhoofinaysa Macdano Kala Duwan

Somaliland oo Sannadka Bilaabmaya Dhoofinaysa Macdano Kala Duwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegaya inay rajo weyn  ka qabaan in sanadka fooda inagu soo haya Somaliland macdanno u dhoofiso dibadda, kuwaasi oo hadda tijaabadoodu soo baxday. Wasiirka oo BBC-da u waramay wuxuu sheegay in sidoo kale ay filayaan sanadka soo socda in baadhitaanno shidaal ka bilawdaan Somaliland.

“Haddii soo saarka khayraadku fudud yahay dee boqol sanno ayaa laga joogaa intii xorriyadda laga qaatay isticmaarkii. Hadday hawl yar tahay hore ayaynu wax uga arki lahayn hadday macaadin noqoto iyo hadday shidaal noqotaba. Dalalka qaar waxaa shidaal laga baadhayay sodon sanno ama afartan sanno qaarna intaas in ka badan, markaa marka Illaahay qoray ayuun bay noqonaysaa inay wax ka soo baxaan,” ayuu yidhi wasiirku.

“Qorshuhu wuxuu ahaa sanadkan in wax ka bilaamaan baadhitaannada shidaalka, haddana hawl baa ka socota dalkeena oo Baloogyada qaarkood waxaa ka socda sahamintii diyaaradaha, waxaanu jecelahay in sanadka soo socdana ay bilaamato sahaminta dhulku.”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Somaliland,.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hawlgal macdan soo saaris ahi ka socoto gobolka Awdal  laguna rajo weyn yahay in ganacsi ahaan loo dhoofiyo sanadka soo socda

“Hawshaasi waa hawl sanadkan gudihiisa bilaamatay, meeshii wax laga soo saarayay ayaa la wadaa, waxaa hadda ka soo baxay dhawr Koontiindhar oo China la geeyay. Meeshii wax laga soo saarayay wali rasmi ahaan umaanu furin oo wax soo saar ganacsi ahi muu bilaamin, waxaanu se rajayn in si rasmi ah sanadka soo socda ay wax soo saar tijaari ahi u bilaamo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay wax ka qabanayaan is qabqabsi iyo xaasaasiyad dhinaca dhulka ka taagan oo caqabad ku ah baadhista khayraadka dalka. Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay jirin musuqmaasuq hore wasaaraddiisa loogu eedeeyay oo ku aadan in si khaldan oo maamulay shirkaddo u heelanaa soo saaridda khayraadka dalka.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories