HomeSomaliland oo saluug ka muujisay Qorshe aan laga Qayb-galin oo Ciidammo loogu...

Somaliland oo saluug ka muujisay Qorshe aan laga Qayb-galin oo Ciidammo loogu samaynayo Badda Cas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (Slpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa ka hadlay Ciidamo loo samaynayo ilaalinta ammaanka Badda Cas, taas oo qorshaha hindisaheeda ay ka mid yihiin waddamada gobolka Geeska Afrika, waxaanu madaxweynuhu ku baaqay in Somaliland laga qayb-galiyo qorshahan istaraatajiyadeed.

 

Madaxweyne Biixi oo maanta khudbad ka jeediyey xuska munaasibadda 18-ka May waxa uu sheegay in waddankiisu diyaar u yahay ka qayb-qaadatashada isbeddellada dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo siyaasadeed ee ka tisqaaday gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay Somaliland horumarkaas kaga qayb-qaadanayso iyadoo u madax-bannaan xoriyaddeeda iyo siyaasaddeeda dhuleed.

Muuse Biixi Cabdi

”Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay door weyn ka qaataan isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Somaliland waxa ay aaminsan-tahay, kuna shaqaynaysay intii ay jirtay Iskaashi, Is-xaq-dhawr iyo Daris-wanaag.

Somaliland is-beddelka ka socda geeska Afrika ee Dimuqraaddiyad leh, ee horumar dhaqaale leh ee is-kaashi leh cidna magan ugama aha ee waxay ka qaybgalaysaa iyada dal xor ah oo Somaliland la yidhaahdo ah.

Somaliland waa Qaran madax-bannaan iyo Xaqiiqo ka jirta Gobolka Geeska Afrika. Waa Qaran ku leh qeybtiisa  iyo miisaankiisa dhammaan go’aammada iyo isbeddelka ka socda Gobolka. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay wiiqaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beeg-sanayo Gobolka Geeska Afrika,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayey Ciidamada loo samaynayo badda cas, waxa uu yidhi, ”Dhawaan waxa aynnu maqalnay in la samaynayo ciidamada nabadgelyada badda Cas, waxan la yaabahannahay ragga Isteraatajiisteyaasha ah ee  fikradda leh ee gobolka katirsan ee doonaya inay badda cas nabadgelyadeeda xoojiyaan ee Somaliland ah dalka xeebta ugu badan ee badda cas, Somaliland marka laga tixgelin waayey xaggee baa loo wadaa, mise Somaliland cid baa xoog kaga qaadaysa xuquuqdeeda.”

 

”Arrinta nabad-gelyada Badda Cas ee hadda la hindisayo in ciidammo loo dhiso, waxaannu u aragnaa in Somaliland ka tahay tiir-dhexaad, sababtoo ah Somaliland waxay ku leedahay qayb weyn Badda Cas. Somaliland qaybta ay ku leedahay Badda Cas waxay dhan-tahay 850 Km, iyada oo kaliya ayaana ka arimisa.Sidaas darteed, dhaq-dhaqaaq kasta oo ka jira Badda Cas, Somaliland waa in ay miisaankeeda ku yeelataa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 850km oo kulaalaya Gacanka Cadmeed oo biyaha Badda Cas kaga darsama marin-biyoodka Baabul-mandab, kaas oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha Bariga iyo Galbeedka Adduunka.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories