HomeSomaliland oo Saacado ka dib buuxinaysa mid ka mida qodobbada ay Indha...

Somaliland oo Saacado ka dib buuxinaysa mid ka mida qodobbada ay Indha caalamka ku kasbanayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Axadda Berri oo ay bishan May tahay 18 sannadka 2014-ka, waxay ku beegan tahay 23-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda, isla markaana madax-bannaanideeda ay dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay la midawday 1-dii Julay 1960-kii shan cisho ka dib markii ay xornimadeeda ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska oo Somaliland ka talinaysay muddo dhawr iyo siddeetan sano ah.

1688167_648222948585539_8581892425504713356_nHaddaba, Maalintan la soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May oo sannad kasta laga xuso dalka Somaliland iyo dunida caalamka ee ay Bulshada reer Somaliland ku dhaqan yihiin, ayay sannadkan oo ay Somaliland 23-jirsatay, waxay dawladdu ku baaqday in la weyneeyo dabbaal-degga xuska 23-guuradooda ee 18 May. Waxaanay sidaa awgeed dawladda iyo dadweynaha reer Somaliland si weyn isugu abaabuleen isugna diyaariyeen waynaynta 23-guuradooda oo sannadkan Hal-ku-dhag looga dhigay ICTIRAAF (AQOONSI) KU QOTAMA NABAD IYO HORUMAR, sida uu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintna, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkan rejo wayn ka qabta in muujinta maalinta qaddiyaddeedu soo dhawayn doono aqoonsiga madax-bannaanideeda ee ay 23-ka sano ee ay jirtay martida uga ahayd dawladaha caalamka oo ay buuxisay shuruudo badan oo ay hore ugu xidheen oo ay ka mid ahaayeen dhismaha nidaam dawladeed oo dhammaystiran, hirgelinta dimuquraaddiyadda. Waxaanay ku guulaysatay hirgelinta nabadgelyo buuxda, lacag u gaar ah, Ciidammo, Xuduudeheeda, Dastuur iyo dhismayaasha Golayaal dawladeed oo nidaam dimuquraaddi ah ku dhisan.

“Sannadkan Hal-ku-dhaggu waxa weeye Ictiraaf ku qotoma nabad iyo horumar…Horta, aqoonsigu waa arrin innoo wada yaalla Somaliland, Xukuumadda oo keliya maaha, Jaaliyadaha dibedda ku nool sidii Sheffield oo aannu aad ugu mahad-naqayno in gacmaha la is-qabsado weeye. Waxaana baaqa Xukuumadda ee ah waynaynta 18-ka May yahay muujinta waddaniyadda iyo rabitaankeeda, waxaanay dawladdu Weftiyo u dirtay waddamada Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo dalal badan oo dunida ah.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo waraysi uu siiyey Idaacadda Hirad kaga jawaabay su’aal arrinta weynaynta Xuska 18-ka May ee sannadkan.

Dawladda Somaliland oo ay garab-joogaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland, gaar ahaan Jaaliyadaha dibedda ee reer Somaliland, ayaa sheegay inay heegan ugu jiraan hirgelinta qaddiyaddeenna iyo hanashada aqoonsi buuxa, waxaana la abaabulayaa ololayaal badan oo seeska hoose ee Golayaasha Deegaanka ee Magaalooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda ee dawladaha reer Yurub laga bilaabayo oggolaanshaha aqoonsiga Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay Masuuliyiinta dawladda qaarkood sheegeen in weynaynta Maalinta Qarannimada ee 23-guuradani soo jiidan doonto indhaha caalamka, isla markaana aynu ku kasban karno inuu soo dhawaado amaba lagu guulaysto aqoonsi buuxa oo aynu helno, taasoo si weyn la isugu diyaariyey, saacado ka dibna haddii Illaahay inna gaadhsiiyo ay muujin doonaan reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan-ba.

Dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May, ayaa sannadkan ku soo beegantay iyada oo ay Golaha Deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriisku ay ansixiyeen Mooshin lagu taageerayo aqoonsiga qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaas oo ah tii ugu horreysay ee lagu soo dhaweeyo ama lagu taageero aqoonsi-raadinta Somaliland.

Sidoo kale, waxay 23-guuradani ku soo beegantay wakhti ay markii ugu horreysay 7-dii bishan May Caasimadda Hargeysa ee Somaliland yimaaddeen 45 Oday oo ka tirsan Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya, kuwaasoo muddadii ay joogeen kulammo kala duwan la yeeshay Madaxda Dhaqanka, Xisbiyadda Siyaasadda qaarkood, Ururrada Bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Isla markaana waxay Odayaasha Soomaaliya ka yimi iyagu afkooda ka sheegeen in natiijadii kulammadaas uga soo baxday guud ahaan noqotay inay ummadda Somaliland yar iyo wayn,Siyaasi, Dhaqan yahan iyo Shacabba ay noqotay inay u midaysan yihiin hirgelinta qaddayadda madax-bannaanidooda iyo raadinta aqoonsi buuxa oo ay caalamka iyo Soomaaliya-ba ka helaan. Sidaa awgeedna ay Soomaaliya kula noqon doonaan hirgelinta rabitaanka reer Somaliland iyo in loo oggolaado oo lagu taageero madax-bannaanidooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la dareemi karaa inay si weyn u ifayso yididdiilada Shacabka iyo dawladda Somaliland ka qabaan inay maalin maalmaha ka mid ah ku guulaystaan rejadooda 23-jirsatay oo ah inay noqdaan dal ka mid ah dalalka caalamka oo dhami aqoonsan yahay, isla markaana calankoodu ka babbado Gole kasta oo ay dawladaha adduunku isugu yimaaddaan iyo kuwa ay ku midaysan yihiin ee Afrika iyo dunida kale-ba.

Haddaannu nahay Bahda Himilo Media Group waxaannu leenahay Illaahay guul iyo gobannimo ha innagu gaadhsiiyo sannadkan sannadkiisa, maalintan maalinteeda, waxaanan rejaynaynaa mustaqbal iyo horumar dhammaystiran in Illaahay inna gaadhsiiyo dhammaanteen dal ahaan iyo dad ahaanba.

DIIRADDA HIMILO

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories