HomeSomaliland Oo Riyo-maalmeed Ku Sheegtay Magacaabis Uu Sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland Oo Riyo-maalmeed Ku Sheegtay Magacaabis Uu Sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay Ergay gaar ah oo Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Shalay u magacaabay Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaasi oo ah Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda JSL ayaa lagu sheegay in Magacaabistaas looga dan leeyahay in Beesha Caalamka lagaga marin-habaabiyo Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

War-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden).

Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ku cad khariidadda Qaaradda Afrika ee lagu saleeyey xuduudihii gumeysiga, Soomaaliya meel kuma leh Gacanka Cadmeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargalineysaa beesha caalamka, Midawga Africa, iyo Urur Goboleedka IGAD, in magacaabista ergayga Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed yahay faragalin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, dawladda iyo shacabka Somaliland waxay si wadajir ah diyaar ugu yihiin difaaca madaxbannaanida, qarannimada iyo dhammaan xuduudaha waddanka wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal hormuud u ah nabadda, iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika, isla markaana leh golayaal si toos ah shacabku u soo doorto, si xor iyo xalaal ah, oo hal qof iyo hal cod ah. Haddaba, waxa ay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay ay tahay indho sarcaad siyaasadeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay marwalba u taagan tahay ilaalinta xasilloonida, nabad ku wada noolaashaha, iyo horumarka gobolka. Dawladda Somaliland waxa kale oo ay si dhaw u la socotaa xaaladda iyo isbeddelada gobolka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories