HomeSomaliland oo Qoys Masiixiyiin ah u Mustaafurisay Soomaaliya

Somaliland oo Qoys Masiixiyiin ah u Mustaafurisay Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay lammaane u dhashay dalka Soomaaliya oo bishii October ee sannadkan ciidamada ammaanku ka qabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Lammaahan oo aan magacooda la xusin, ayaa Xukuumaddu u mustaafurisay dalka Soomaaliya oo labadooduba u dhasheen, qoysaskooda iyo carruurtooduba ku nool yihiin.

blankDadkan, ayaa lagu eedeeyey inay dalka ka wadeen hawl-gallo ay ku faafinayaan Diinta Kiristaanka, waxaanay ciidamadu ka qabteen guri ay ka degganaayeen magaalada Hargeysa horaantii bishii October ee Sannadkan.

Lammaanahan ayaa xorriyaddooda loo celiyey horaantii bishan November, kaddib markii ay kiiskooda go’aan ka soo saartay Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo tiraba dhowr jeer la horgeeyey. Maxkamadda ayaa amartay in dalka laga mustaafuriyo lammaanahan iyo ilmo yar oo ay dhaleen.

Sida ay qortay warbaahinta u doodda xuquuqda Dadka masiixiyiinta ah, qareenka u doodayey lammaanahan ayaa sheegay in maxkamaddu go’aankan soo saartay kaddib markii arrintooda ay soo fara-galiyeen Wakiillo ka socda dalalka Midowga Yurub oo xukuumadda Somaliland kala hadlay.

Warku waxa uu intaas ku daray in lammaanaha oo uu weheliyo ilmo yar oo ay dhaleen loo mustaafuriyey Soomaaliya, halkaas oo ay ku nool yihiin qoysaskooda iyo Laba carruur ah oo ay dhaleen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ahna taliyaha laanta Dambi-baadhista ee Gaashaanle sare Faysal Xiis, ayaa bishii October 5-teedii sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo lagu eedeeyey inay gudaha dalka ku faafinayeen Diinta Kiristaanka.

Taliyuhu waxa uu sheegay in labada Qofba yihiin murtidiin ka baxay Diinta Islaamka, isla markaana Xiftisan Qur’aanka iyo Axkaamta oo ay uga faa’idaysanayeen inay ku khal-khal geliyaan Caqiidada Bulshada isla markaana ku faafiyaan Diinta Kiristaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories