HomeSomaliland oo Qorshe Ugub ah ku Waajahaysa Xidhiidhadeeda Dibloomasiyadeed ee Midowga Afrika...

Somaliland oo Qorshe Ugub ah ku Waajahaysa Xidhiidhadeeda Dibloomasiyadeed ee Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaadday Qorshe cusub oo ay xidhidh dibloomasiyadeed kula samaysanayso Midowga Afrika (African Union) iyo urur-goboleedka IGAD si ay culays ugu weyn ugu saarto sidii ay cilaaqaad ula samaysan lahayd.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibbedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in ajandeyaashiisa ugu waawayn ay tahay sidii uu cilaaqaad ula yeelan lahaa Midawga Afrika iyo IGAD, isagoo xusay in xidhiidh hore ay Somaliland iyo labadaas urur ay wada lahaayeen, balse ay sii xoojinayaan.

Wasiirku waxa kale oo sheegay in dawladda Soomaaliya ee wada-hadalku u socdo Somaliland ay jabisay qodobbo ka mid ah heshiisyadii hore, isla markaana uu qoraal u diray wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, kaasoo uu ugu bandhigayo saamaynta ay keeni karaan qodobbada ay dawladdiisu jabisay.

Sidoo kale, Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in safarkii ay ku tageen dalka Turkey ee uu hogaaminayay madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ahaa mid midho-dhal ah.

“Xidhiidhka Midawga Afrika iyo IGAD xoog maanu saarin intii hore oo waxaanu ku mashquulsanayn arrimihii shidaalka, diyaaradii Itoobiya, shirkii Brussels iyo Turkiga, laakiin hawlaha imika I sugaya ayay ugu horeeyaan inaanu cilaaqaad culus la yeelano xubnaha IGAD iyo Midawga Afrika oo labadaba cilaaqaad hore aanu la lahayn, laakiin aanu ahmiyad gaar ah saarno,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland oo maanta u warramayey SLNTV.

Wasiirka waxa kale oo ka hadlay qodobbo uu sheegay inay ku jireen heshiisyadii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay jabisay xukuumadda Xasan Sheekh, waxaanu yidhi. “Waxa markii hore lagu heshiiyay markay noqoto xaga khayraadka, si fiican loo qaybsado, waxa lagu heshiiyay wixii dhibaato keenaya ee xasaasi ah in la iska ilaaliyo, waxay iigu muuqataa waxyaabo badan oo heshiiskii hore ahaa inay ka xad-gudbeen oo ay ka mid tahay heshiiska ICOA, markaa warqad baan u qoray wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ee hogaaminayay wada-hadallada dhinacooda inaanu aragnay inay hawlahaasi ka xad-gudbeen, waxna ay u dhimi doonaan haddii aanay degdeg wax uga qaban, markaa waxaanu filaynaa inaanu ka wada-hadli doono, isla markaana ma ogolaan doono waxyaabihii lagu heshiiyay inay dhinac maraan, diyaarna uma nihin wasiir intuu kolba Washington ama London tago meel ka hadla oo yidhaahda anagaa ka masuul ah, runtu waxay tahay ninka Xamar ama London jooga ee wasiir ka ah Soomaaliya anagu ma jeclin inaanu aflagaadayno, laakiin xukunkeedu intuu gaadhsiisan yahay ummaddu way ogtahay.”

Sidoo kale, Wasiirka ayaa safarkii Turkiga ee ay masuuliyiinta Somaliland ku tageen uu ahaa mid waxtar u leh Somalilanad. “Safarkaas Turkigu wuxuu ahaa mid aad iyo aad u qiimo badan, si xoogle ayaa madaxweynaha iyo weftigiisii loo soo dhaweeyay, waxaanu la kulanay ra’iisal wasaaraha dalkaas, si wanaagsan oo qadarin leh ayuu noo soo dhaweeyay, waxyaabaha ugu waawayn ee aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa oo aanu u sheegnay inay dawladda Turkigu wax nala qabato, sida ay wax ula qabanayaan walaaladayada Soomaaliya oo aanu nahay laba dal oo walaalo ah, waanay nala garteen waxaanu noo sheegay inay nala shaqaynayaan,” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Debedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories