HomeSomaliland oo Qaramada Midoobay u dirtay Dokumenti Toddoba Bog ka kooban iyo...

Somaliland oo Qaramada Midoobay u dirtay Dokumenti Toddoba Bog ka kooban iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Qaramada Midoobay la wadaagtay Habka ay doonayso inay u wada shaqeeyaan, ka dib markii Khilaaf culus soo kala dhex galay Xukuumadda iyo Qaramada Midoobay.

Bishii March ee sannadkii 2020, ayaa waxa Xukuumadda Somaliland joojisay Hawlaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan gudaha Somaliland, ka dib markii ay soo baxday in qorshaha 4-ta sanadood ee soo socda ee Qaramada Midoobay ku hawl-galayso uu waafaqsan yahay Qorshaha Horumarinta ee ay dejisay Dawladda Soomaaliya.

Wixii intaa ka dambeeyay, waxa xidhiidh wada sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, si ay xal uga gaadhaan khilaafkaasi, balse Bishan horraanteedii ayaa waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Ergayga Qaramada Midoobay James Swan, kaasi oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland.

Labada dhinac, ayaa ka wada-hadlay sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhashay habka Qaramada Midoobay doonayso inay uga hawl-gasho gudaha Somaliland, balse wax xal ah lagama gaadhin khilaafkii jira, hase-yeeshee waxay labada dhinac ku yeesheen inay sii wada-hadallada xalka lagu raadinayo khilaafkaasi, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL “Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay kaga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi.

Laakiin, intaasi ka dib, Xukuumadda Somaliland waxay Qaramada Midoobay u dirtay Dhukumanti ka kooban 7 Bog, kaasi lagu sharraxay isla-markaana lagu faahfaahiyey Habka ama Baratakoolka Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula shaqayso, iyadoo ixtiraamaysa Madax-bannaanideeda.

Dhukumantiga Xukuumaddu u dirtay Qaramada Midoobay oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland isla-markaana ay baahisay Warbaahinta Somalilandchronicle.com, ayaa lagu sheegay in Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula Macaamiisho si gaar ah “Jamhuuriyadda Somaliland waligeed kamay mid noqon nidaamka federaalka, xidhiidh rasmi ahna lama yeelan muddo soddon sano ah Soomaaliya…” ayaa lagu sheegay dhukumantiga ay Somaliland u dirtay Qaramada Midoobay, kaasi oo intaa ku daray “Qaramada Midoobay waxaa laga sugayaa inay Dawladda Somaliland ula macaamisho maamul gooni ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqa aayo ka tashigeed”.

@Geeska AFrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories