HomeSomaliland oo Qaramada Midoobay kala kaashanaysa Baadhista Hub Saaran Markab ku xidhan...

Somaliland oo Qaramada Midoobay kala kaashanaysa Baadhista Hub Saaran Markab ku xidhan Marsada Berbera oo la qabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Qaramada Midoobay gaadhsiisay baaq ku wejahan Baadhista hub sifo sharci-darro ah lagu soo geliyey dalka oo lagu qabtay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda magaalada Berbera oo alaabooyin u siday Ganacsato reer Somaliland.

Markabkan oo la sheegay inuu ka soo goostay Deked ku taala magaalada Port Sudan ee dalka Sudaan, ayaa todobaadkii hore ku soo xidhay dekedda Berbera, ayaa laga helay saanad-milatari oo u badan baabuurta gaashaaman, waxaanay xukuumadda Somaliland isla markiiba ku bilowday baadhis ay ku samaysay cidda iska leh iyo meesha hubkaasi ku socday.

MARKABKAWasiirka Amniga Somaliland Cali oo maanta warbaahinta kula hadlay, Hargeysa, ayaa sheegay inay ka-war-sugayaan hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan baadhista hubka Sharci-darrada ah oo ay qaylo-dhaan gaadhsiiyeen, kuwaas oo uu sheegay inay dalka Iman doonaan dhowaan.

“Wali noomay iman hay’adahaasi, waa hay’adaha aanu sugayno inay noo yimaaddaan oo ay xaqiiqda gudbiyaan. Waa hay’adaha aanu la sugayno iyaga iyo cidii kale ee ku shaqo leh la-dagaalanka hubka,” Sidaa waxa yidhi wasiir ku-xigeenka oo la weydiiyey inay xukuumad ahaan hubka ay gacanta ku hayaan kala xidhiidheen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada Midoobay ee xakamaynta hubka sharci-darrada ah. “Baaq waanu gaadhsiinnay hay’adaha Caalamka iyo iyagaba, waxaananu ku rejo-weynahay sida ugu dhakhsaha badan inay Somaliland yimaaddaan.” Ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo intaas ku daray,
“Hay’adaha caalamiga ah ee hubka ku shaqada leh iyo ciddii sheekata markay noo caddaato ayuunbaanu sii deynaynaa, haddii kale Somaliland ayaa gacanta ku haynaysa.”

Wasiirka oo sharraxayey macluumaadka ay ka hayaan markabka, waxa uu yidhi, “Markabku waxa uu ka soo baxay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan, waxaanu sida aanu waraaqihiisa ku aragnay uu ku waday carwo uu sheegay inay ku taalo Abu Dhabi oo 22-ka ilaa 26-ka bisha Febarwari ka furmaysa, annaguse maanaan aaminin waraaqahaas, laakiin waanu baadhaynaa, baadhitaankaasina wuu noo socdaa, hubkaasi maaha hub aanu si fudud ku sii daynayno.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories