HomeSomaliland oo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka kala hadlaysa Qaddiyadda Madax-bannaanideeda xilli ay...

Somaliland oo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka kala hadlaysa Qaddiyadda Madax-bannaanideeda xilli ay jawaabo kulul ka bixisay Baaqyo ka soo yeedhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaddiyaddeeda gooni-isu-taagga iyo kasbashada aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka kala hadlaysa dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, oo ay shir gaar ah kula yeelanayso maalmaha soo socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Kulamada Xukuumadda Somaliland la yeelanayso Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Amerika-ba baaq, ayaa daba-socda baaq ay kaga hadleen tallaabada ay Ciidanka Qaranku Khamiistii kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Saax-dheer oo ay ka saareen Malleeshiyada Khaatumo la baxday oo Xarun ka dhigatay bilihii u dambeeyey, iyaga oo ugu baaqay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Saax-dheer.

Maxamed BiixiWasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde xilligan Safar Shaqo ku joogaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa isagu dalkaas u sii dhaafaya magaalada New York ee waddanka Maraykanka oo uu shirar kula yeelan doono Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Waxa Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Masuuliyiinta uu kala shirayo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ay ka wadahadli doonaan arrimo badan oo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ka mid tahay iyo qodobbo kale oo hor-u-socoshada Qaranka muhiim u ah, sida uu caddeeyey Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey ujeeddada Safarkaas Maraykanka Wasiirku ku tegayo iyo Safarka ay labada Wasiir hadda ku joogaan Itoobiya-ba.

“Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuu sii dhaafayaa Addis oo New York ayuu shaqo ku tagayaa, waxaanu kulammo la yeelan doonaa Qaramada Midoobay. Wuxuu la kulmayaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud oo loo ballamiyey. Waxa halkaas sii jooga oo ballanta sii qabtay Safiirka Somaliland ee Kenya.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse.

Warar Madax-bannaan oo Wargeyska Himilo ka helay socdaalka Wasiirka, ayaa iyaguna tibaaxay inuu Wasiir Maxamed Biixi Yoonis magaalada New York kula kulmi doono Masuuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Maraykanka, oo iyagana uu kala hadli doono danaha Somaliland, xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii Maraykanku Somaliland uga caawin lahaa dhinacyada Siyaasadda aqoonsi-raadinta madax-bannaanideeda, horumarinta aqoonta iyo dhaqaalaha.

Geesta kale, ujeeddada Socdaalka Shaqo ee ay Wasiirrada arrimaha dibedda iyo arrimaha gudaha Somaliland Khamiistii ku gaadheen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, oo la sheegay inay halkaas u tageen sidii ay Itoobiya ugala hadli lahaayeen inay Cali Khaliif Galaydh oo bishan horraanteedii Shir Kooxda Khaatumo ku qabsatay Saax-dheer ay Madaxweyne ugu Cumaamadeen, lagu qabtay qaybta shishe ama daanta gudaha Itoobiya ee Tuuladaas oo ku taalla Xadka Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, halkaasoo Khamiistii lagu qaban lahaa Munaasibad Madaxweyne-nimada loogu caleemo-saarayo, balse ay Ciidanka Qaranka Somaliland kala firdhiyeen.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo xalay Su’aal ka weydiiyey arrintaas inuu salka ku hayo Safarka Wasiirradu ku joogaan Itoobiya iyo waxay ka wadahadleen labada dhinac, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Waxay la xidhiidhaa arrimaha cilaaqaadka Somaliland iyo dabcan arrimaha ammaanka ee hore looga wada-hadlay sii xoojintooda. Laakiin, xidhiidh lamay lahayn arrinta Saax-dheer.”

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo Waraysi Jimcihii siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo lagu weydiiyey ujeeddada Safarka ay labada Wasiir Khamiistii markii dagaalka Saax-dheer dhacay ka dib ay ku tageen dalka Itoobiya waxa uu la xidhiidho ogaantiisa, ayaa sheegay inay runta u sheegayaan Itoobiya, maaddaama oo xadka ay wadaagaan yahay mid mar walba dhinaca Somaliland ka ammaan ah oo aanay cid rabshadaynaysa dalkooda ku siideynin, inay Itoobiyana waajibkeeda gudato.

Faysal oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa keenay inay Itoobiya tagaan waxa weeye dhinaca Itoobiya ayuu ka dhacayey Shirkani oo uu ka socday (Saax-dheer), Somaliland iyo Itoobiyana xad bay leeyihiin dheer oo illaa 400-KM ah, waana xuduudda ugu nabadgelyada fiican xuduudka ay Itoobiya la leedahay Soomaalida. Markaa, suuragal maaha in annaguna aannu dhulkooda ka ilaalinno wax rabshad ah, xaggoodana nalagaga soo duulo, taasaa loo sheegayay, waanan ku taageersannahay Dawladda Somaliland tallaabadaas ay qaadday ee ah Itoobiya inay runta u sheegto oo aan xaggooda nalagaga soo duulin.”

“Waayo? Saax-dheer waxay ku taallaa xadka aan wadaagno Itoobiya, Shirkanina waxa uu ka socday dhinaca Itoobiya, annaguna ma oggolaan karno in Itoobiya xaggayaga looga maleego wax nabadgelyo-darro ku keenaya, iyadana in loo sheego oo la yidhaahdo dhulkaas xaggiinna waa dhulkii nalagaga soo duulay,dahana labada dalna maaha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ku tegayo magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib, markii ay Jimcihii Wakiillada Soomaaliya u qaabbilsan Midawga Yurub, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay Baaq ay wada-jir u soo saareen ku sheegeen inay Somaliland ugu baaqayaan inay Ciidankeeda Millateriga dib uga saarto deegaanka Saax-dheer ee ay Malleeshiyada Hubaysan ee Khaatumo kala wareegeen gacan-ku-haynteeda Khamiistii inna dhaaftay, taasoo ay Somaliland-na ka jawaabtay, isla markaana sheegtay inaanay Beesha caalamku ka talinnin gudaha dalka Soomaaliya, baaqooduna yahay mid gardarro ah oo aanay aqbali karin.

@Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories