HomeSomaliland Oo Norway U Bandhigtay Mawqifkeeda Wejiga Cusub Ee Wada-xaajoodyada Soomaaliya

Somaliland Oo Norway U Bandhigtay Mawqifkeeda Wejiga Cusub Ee Wada-xaajoodyada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Oslo (SLpost)- Safiirka Dawladda Somaliland u fadhiya Dalka Norway Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan), ayaa Arbacada shalay kulan la yeeshay Ergayga Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Heidi Johansen iyo Ole Linderman oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Norway.

Safiirka Somaliland ee Norway Amb. Liilan, ayaa Diblumaasiyiintan reer Norway la kulmay, ka dib markii uu u soo dhamaaday Socdaal shaqo oo ay dhawaan ku yimaaddeen Somaliland.

Safiirka Dawlada Somaliland ee Norway iyo Labada Masuul ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda Dalkaasi, ayaa waxay kaga Wada-hadleen arrimo muhiim u ah xidhiidhka labada dal ee Norway iyo Somaliland, sida waxyaabaha ka qabsoomay xidhiidhka labada dal, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo Norway ka mid tahay Dawlado ka shaqaynaya sidii dib loogu bilaabi lahaa.

War-saxaafadeed uu kulankaasi ka dib, doo saaray Safiirka Somaliland ee Dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan), ayuu ku faahfaahiyey qodobbadii
ay ka Wada-hadleen Safiirka iyo La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway.

War-saxaafadeedkaas ayuu Amb. Liilan ku yidhi “Maanta oo ah 13-ka bisha December, waxaan la kulmay Amb. Ole Linderman oo ah La-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway iyo ergeyga gaarka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Norway Heidi Johansen, ka dib markii ay ka soo laabteen Somaliland.”

War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray isla-markaana faahfaahiyey Qodobbo muhiim ah oo ay ka wada-hadleen, isagoo ka warramay qodobbo khuseeya Mawqifka Somaliland ee Wada-hadallada dhawaan dib u bilaabmaya oo uu u gudbiyey, waxaanu yidhi:-

“Waxaanu diirradda saarnay oo aanu ka wada-hadalnay Waxyaabaha u qabsoomay xidhiidhka Somaliland iyo Norway iyo waxa kale ee la qaban karaa mustaqbalka.

Sidoo kale, waxaanu ka wada-hadalnay Xeerka Iskaashiga Maraykanka iyo Kaalmada Somaliland, kaasi oo uu dhawaan dhamaystiray Aqalka Congress-ka Maraykanku.

Safiirka Somaliland ee Norway iyo Diblumaasiyiinta reer Norway, waxa kale oo ay ka wada-hadleen waxyaabaha ay tahay in lagaga hadlo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo hore u fashilmay, balse Dawlado Norway ka mid tahay ay ka shaqaynayaan sidii dib loogu bilaabi lahaa.

Safiirka Somaliland ee Norway Amb. Liilan, waxa kale oo uu Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway kala hadlay isla-markaana u bandhigay Mawqifka Somaliland ee Wada-hadallada xilligan ee Soomaaliya iyo waxa laga baran karo wada-hadaladii hore u dhicisoobay iyo sida imika dib loogu bilaabo karo, si loo gaadho natiijo Somaliland iyo Soomaaliya u horseedda Nabad waarta iyo sidoo kale dariiq ugu Habboon ee loo mari karo dib u soo nooleynta wada-hadallada”.

blankWar-saxaafadeedka, ayuu Safiirka Somaliland ee Norway ku xusay inuu Ergayga Norway u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya & La-taliyaha Wasaarada Arrimaha dibedda u bandhigay 7-da Qodob ee Somaliland Shuruudda uga dhigtay in Wada-hadallada Soomaaliya dib u bilaabmaan iyo sida ay muhiimka u tahay in la helo Dad gaar ah iyo hay’ado ama Dawlad dhexdhexaad ah, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay abuuraan geeddi-socod Nabadeed oo Wada-xaajoodyadu ku midho-dhalaan, iyadoo ay laga maarmaan tahay in Hay’adaha ama Dawladaha dhexdhexaadka ka noqonaya Wada-hadalladu ay noqdaan kuwo awoodna u leh inay abuuraan kalsooni.

Ugu dambayn, Safiirka Somaliland iyo Madaxda reer Norway, ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihii dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ee soo socda iyo sidii Norway kor ugu qaadi lahayd Mucaawimooyinka ay Somaliland ku taageerto.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories