HomeSomaliland oo muwaadiniinteeda u fududaynaysa Shuruudo Boqotooyada Sucuudigu ku soo Rogtay Xujayda...

Somaliland oo muwaadiniinteeda u fududaynaysa Shuruudo Boqotooyada Sucuudigu ku soo Rogtay Xujayda Soomaalida ee Sannadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xaglotoosiyeHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay u diyaarinayaan xujayda Somaliland sannadkan Xajka soo gudanaya xarumo ay ka helayaan talaalka cudurka dabaysha, ka dib markii dawladda Sucuudigu ku wargelisay xujayda ka imanaya wadamada Geeska Afrika inay iska soo talaalaan cudurkaas oo dhawaan meelo ka mid ah Soomaaliya lagu sheegay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sidan ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, isaga oo ay wehelinayeen masuuliyiinta hay’adaha WHO iyo UNICEF, oo iyagu hawsha talaalka cudurka dabaysha ka caawinaya wasaaradda caafimaadka Somaliland.

 “Shirkan aanu isugu nimi ee ay ka soo qaybgaleen wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha WHO iyo UNICEF, waxa uu la xidhiidhaa wareegto ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Sucuudiga oo ay ku doonayso in xujayda ka imanaya Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya in ay iska talaalaan cudurka dabaysha, waxaanu u diyaar garoobaynaa sidii xujaydeenu u heli lahayd talaalkaas, anaga oo diyaarinayna xarumihii ay iska talaali lahaayeen iyo taalaalka laftiisii oo aaanu waydiisanay labadan hay’adood ee Who iyo Unicef.” Waxa uu intaas ku daray Wasiirku, “Sida la sheegayo lix todobaad ka hor inay iska talaalaan xujaydo inta aanay u duulin Sucuudiga waxaanan rajaynayaa in talaalkaasi bilaabmi doono todobaadkan gudihiisa inta ka horeysana la cayimi doono meelaha laga helayo, waxaan uga mahad-celinayaa la badan hay’addood Who iyo Unicef oo had iyo jeer wasaaradda caafimadka la barbar taagan taageero buuxda, waa markii ugu horeysay dalka Sucuudiga inagu xidho talaalka dabaysha, talaallo kale way jiri jireen, laakiin dabaysha hadda waa kow.”

Wasaaradda Caafimaadka ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa soo saartay go’aamo ku waajibinaya Xujaajka sannadka gudanaya Xajka ee ka tagaya waddamada Soomaaliya, Somaliland iyo Kenya inay dalalkooda isaga soo tallaalaan Cudurka halista ah ee Dabaysha isla markaana ay sitaan shahaado muujinaysa in lix todobaad ka hor ay qaateen tallaalka Cudurkaas Dabaysa, waxaana go’aanka lagu sababeeyey ka dib markii ay ogaadeen in Cudurka Dabayshu (Polio) uu ka dillaacay waddamadaas.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka boqortooyada Sucuudiga oo u warramay Arab News, ayaa yidhi, “Xujaajtani (Soomaalida iyo Keenyaanka) waxa ku waajib ah inay sitaan Shahaaddda tallaalka dabaysha marka ay Dekedaha iyo Madaarrada ka soo degayaan oo laga hubinayo,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray inay waajib tahay qaadashada tallaalku lix bilood ka hor wakhtiga ay dalkaas tagayaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories