HomeSomaliland oo Maxkamad la tiigsanaysa Saraakiil Somaliya ka tirsan oo Ciidamada Ammaanku...

Somaliland oo Maxkamad la tiigsanaysa Saraakiil Somaliya ka tirsan oo Ciidamada Ammaanku Hargeysa Qabteen iyo Ujeeddada socdaalkooda la xidhiidho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in booliiska Somaliland shalay goor danbe ku qabteen Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa saddex qof oo ka tirsan Dawladda Soomaaliya, kuwaas oo sida wasiirku sheegay doonayey inay si dhuumasho ah ku soo galaan magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa yy sheegay in saddexda sarkaal oo haatan ku xidhan madaarka diyaaradaha Harggeysa, ay diyaarad ka soo raaceen magaalada Muqdisho.

Saddexda sarkaal ayaa sida uu sheegay wasiirku waxay magacyadoodu kala yihiin, Jaamac Maxamed jaamac oo ah madaxa baratakoolka ee madaxtooyada dowladda Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaliya iyo Cabdicasiis adam oo ah dibloomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Warancadde, waxa uu sheegay in maxkamad la horgeyn doono masuuliyiintaasi marka baadhista boliisku dhammaato, maadama uu socdaalkoodu ka soo horjeedo sharciga Somaliland uga yaala in masuuliyiin ka tirsan Somaliya ay ogolaanshiyo la’aan ku soo galaan gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa shabakadda wararka ee Somalilandpost u sheegay inay saraakiishaasi u socdeen safaaradda Dawladda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa, isla markaana ay doonayeen inay ka qaataan Dal-ku-galka (Visa) Itoobiya oo ay doonayeen inay u socdaalaan.

Warku waxa uu intaas ku daray inay saddexdaas sarkaal ay marti-qaad ka haysteen mid ka mid ah Xafiisyada laga goosto Tigidhada diyaaradaha ee ku yaala magaalada Hargeysa, in kasta oo aanay ilo-wareedyadani noo xaqiijin magaca Xafiiska ay xidhiidhka la soo sameeyeen, waxaana la sheegay inay Saddexdan sarkaal ay siteen baasaboorro Waddamada Reer Galbeedka ah oo aan ahayn baasaboorka Somaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories