HomeSomaliland Oo Marti-galisay Urur-goboleedka IGAD iyo Hay’ado Caalami ah

Somaliland Oo Marti-galisay Urur-goboleedka IGAD iyo Hay’ado Caalami ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalo-xuduuddeeda Tog-wajaale waxa maanta ku qabsoomay shirweyne kulmiyey xukuumadda Somaliland, waddamada urur-goboleedka IGAD iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Caalami ah.

Shirkan waxa xukuumadda Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horuumarinta Jidadka Muuse Ibrahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Gebilay iyo Maamulka Tog-Wajaale.

Shirkan oo noqonaysa kii u horreeyey noociisa, ayaa ujeeddadiisu tahay hirgelinta mashruuc Ballaadhan oo ku saabsan Horumarinta Biyaha, gaar ahaana biyaha Dhulka hoostiisa oo loo soo saarayo Tog-Wajaale.

Shirkan oo muhiim u ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa ugu muhiimsan Mashruuca Horumarinta Biyaha Magaalada Tog-Wajaale oo ku taala Xadka u dhexeeya labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawladda Itoobiya, iyadoo Tog-Wajaale ay ka mid tahay meelaha lagu samaynayo Biyo ballaadhin muddo koobana lagu hirgelinayo.

Kulankan ka qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya Eng. Habtamu, Wasiirka Biyaha ee Dalka Uganda, Sam Champtories, Wasiirka Biyaha Dalka South Suudaan, Pal Mai Deng, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Jabuuti, Siciid Khayre.

Waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay Hay’adaha caalamiga ah sida, UNDP, UNICEF, UNESCO iyo Baanka Adduunka.

Weftiga xukuumadda Somaliland ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay weftiga ka socdey Urur Goboleedka IGAD, gaar ahaana Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga labada Dawladood, sidoo kalena weftiga Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Degaanka Soomaalida, mustafe Muxumed Cumar, iyadoo labada dhinaca ay ka  wada hadleen adkaynta nabadgelyada labada Dal iyo isu socodka Ganacsiga.

blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories