HomeSomaliland oo Markii ugu horreysay laga hirgeliyey Adeeg Caafimaad oo dabooli kara...

Somaliland oo Markii ugu horreysay laga hirgeliyey Adeeg Caafimaad oo dabooli kara Baahida Dadka ku Nool Geyiga Soomaalidu degto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Waxa markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ee Somaliland laga hirgeliyey Adeeg Caafimaad oo loogu talo galay inuu daboolo baahida dad ku nool dhulalka Soomaalida, iyada oo ay ka hawl-galaya dhakhaatiir Ajaanib ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhigga ka jaray adeeggan caafimaad oo ah qayb cusub oo uu yeelan doono Cisbitaalka guud ee Hargaysa kaas oo lagaga shaqayn doono mishiinka sifeeya kelyaha  kaas oo loogu talo galay inay daboosho baahida dadka ku nool Dhulalka Soomaalida.

blankXafladdii xadhigga lagaga jaray oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, wasiirada wasaaradaha Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle iyo Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, gudoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, dhakhaatiir ka socotay wadanka isutagga Imaaraadka carabta iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Waxa hadal uu ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in mashiinka sifeeya kelyahu uu yahay adeeg caafimaad oo aynu baahi badan u qabay dalku, bulshaduna ay dhibaato badan ku qabeen.

blankMadaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu xusay in waaxdan cusub ee Cisbitaalka guud lagu soo kordhiyay ay qayb ka tahay ballan-qaadadii ay xisbi ahaan sameeyeen xiligii ololaha doorashada, gaar ahaan ballanqaadadii dhinacyada arrimaha bulshada, sida biyaha iyo caafimaadka.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay tahay tallaabo hore loo qaaday una baahan in la ilaashado oo loo huro dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si uu u noqdo mid shaqeeya mustaqbalka.

blankGudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo madashaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mashruucan laga hirgaliyay cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee Somaliland laga fuliyay.

Waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay inay farxad u tahay in koox dhakhaatiir ah oo ka kooban 25 xubnood ay ka hawl galayaan Qaybta adeega Mishiinka Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu u mahad-celiyay Wasaarada Caafimaadka iyo Cid kasta oo ka gacan siisay dhaqaajinta Mashruucan oo dabooli doona baahi jirtay isla markaana sababi jirtay in dalalka deriska la ah somaliland la geeyo dadka xanuunada kelyaha ka cabanaya.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay xil weyn iska saareen sidii mishiinadaasi u shaqayn lahaayeen isla markaana ay sii wadayaan waxii wasaaradda caafimaadka loo qabanayo.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu tilmaamay inay Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa ay is dhinac taagi doonaan, halka sidoo kalena uu bulshada Somaliland u soo jeediyey inay is kaashadaan si ay uga talaabsadaan dhibaatooyinka hortaagan horumarkooda gaar ahaan caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa ka sheegay xafladaasi in dhakhtarka guud ee Hargaysa uu yahay halka u dambaysa ee qofka reer Somaliland ee bukaan socodka ah lagula soo eerto, marka gobolada waxba lagaga qaban waayo.

Wasiirka caafimaadku waxuu tilmaamay ugu yaraan 20 dhakhtar oo ka kala socda wadamada Finland, Rassia, india iyo wadamo kale kuwaasoo uu wasiirku ku sheegay inay qaab wanaagsan uga hawlgalaan wadanka gudihiisa.

Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in adeegyo cusub ay ku soo kordhiyeen Cisbitaalka Guud ee Caasimada oo ay ka mid tahay sida uu xusay hooyooyinka ay fooshu ku raagto ee qaliinka u baahan oo lacag la’aan ay ka dhigeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmater@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories