HomeSomaliland Oo Markii Ugu Horraysay Qalliinada Maskaxda Lagu Sameeyey

Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Qalliinada Maskaxda Lagu Sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mahad Abshir Aadan waa nin dhalinyaro ah oo ku dhashay degmada Baardheere, Magaalada Hargeysa wuxuu u soo raadsaday adeeg caafimaad, isaga oo la nool qoyskiisa oo ka kooban isaga iyo afar caruur ah, Abshir wuxuu saddexdii sano ee u dambeeyey la noolaa duruuf adag oo nololeed.

blank“Markii iigu horeysey waxaan imin manhal anigoo ka cabanaya il, waxaan la kulmay Dr Maxamuud Axmed Shine, Agaasimaha Cusbitaallada Manhal wuxuuna ii cadeeyey in meesha aan wax ka qabaa aaney ahayn isha ee ay madaxa khusayso, wuxuuna igu la taliyey inaan aado dhakhtarka maskaxda iyo neerfaha” sidaasi waxaa ka sheekaynaya Mahad Abshir wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaan aadey gaboose, nasiib daro waan haleeli waayey inaan arko mudo badana waan sugayey , markaas ayaan berbera oo aan ka shaqeynayey isaga laabtay …Anigoo jooga berbera ayaa waxa ii soo dhacay message in cusbitalka manhal ay yimaadeen dhakhaatiirtii neerfaha iyo maskaxda, Ka bacdi markaan imi cusbitaalka ee aan la kulmay dhakhtaradii, waxay ii direen in madaxa layga saaro computer (CT-Scan),  kabacdi markaan isa soo saaray computerkii, ee aan jawaabtii kusoo celiyey dhakhtaradii, waxay ii cadeeyeen in aan dalka wax laygaga qaban karaa jirin debeda mooyee” ayuu yidhi.

blankNoloshiisa werwer badan ayaa hadheeyey, marba marka ka dambaysana wuxuu arkayaa isaga oo u sii dhowaanaya dhinaca khatar aanu ka soo laaban Karin, waayo waxaa maskaxdiisa ku dhex abuuran buro weyn taas oo noloshiisa halis ku ah, inuu koomo galo ama wakhtiyo badan isla maqnaado, ama uu dhaco waa waxyaabo noloshiisa caadi ku noqday, waxase intaas ka sii daran iyada oo buradan maskaxda kaga taallaa ay tahay mid sii koraysa, wakhtiga ay korto ama weynaatona waxaa kor u sii qaadmaya dhaawaca ay gaadhsiinayso taas oo haddii ay sidan ku socoto ay gebi ahaanba dhaawac xooggan u geysanayso maskaxda taasna natiijada ka dambaynaysaa waa geeri.

blankHase ahaatee Mahad Abshir waa inuu duruuftaas adag aqbalaa waayo ma haysto goob uu badbaado caafimaad u raadsado, Dr Yuusuf oo ah khabiir ku takhasusay dhinaca qalliimada maskaxda ayaa sannad ka hor isaga oo bukaan socod ah kula kulmay Cusbitaalka Manhal wuxuuna kula taliyey xilligaas in wax ka qabashadiisu u baahan tahay qalliin debedeed, hase ahaatee duruufta dhaqaale iyo tan socdaal toonni uma saamixin inuu raadsado, sannad ka dib ayaa mar kale Dr Yuusuf iyo Mahad sidii si la mid ah ugu kulmeen cusbitaalka Manhal, xilligan xaaladdu sidii hore way ka sii xumaatay oo dhaawacii wuu sii kordhay, Dr. Yuusuf ayaa markii uu u kuurgalay bukaankan go’aan degdeg ah ku qaatay inuu qalliin degdeg ah u fidiyo.

blankMahad Abshir ayaa la bilaabay qalliin in lagaga sameeyo maskaxda, goobtuna waa Cusbitaalka Manhal ee Hargeysa, shan saacadood ayaa la waday qalliinkan taas oo natiijadii ka soo baxday noqotay in lagu guulaysto in buradii laga soo jaro maskaxda Mahad isla markaana xilligan xaaladiisu ay u muuqato mid aad u wanaagsan “Ilaahay mahaddii waan ku guulaysannay qalliinka bukaankan, kaas oo wakhti dheer qaatay, waxaanna ka soo jarnay burooyinka halkaas yaalla waanna ku faraxannahay in qalliinkiisu guul ku dhamaaday” ayuu sheegay Dr. Yuusuf Al Maydani Qalliinka ka dib, Dr Yuusuf Al Maydani ayaa ah dhakhtar ku takhasusay qalliimada maskaxda kaas oo takhasuskiisa ku soo dhamaystay dalka Talyaaniga, wuxuuna u dhashay dalka Yemen, waa markii ugu horraysay ee uu qalliimo maskaxda ah ka sameeyo Somaliland taas oo uu iminka ka hawlgalo Cusbitaalka Manhal hase ahaatee si joogto ah loogama helo oo wakhtiyo cayiman ayuu yimaadda sida ay ii sheegeen Maamulka sare ee Cusbitaalka Manhal oo aan booqday.

blankMahad Abshir oo xilligan weli lagu daawaynayo cusbitaalka Manhal ayaa dareen farxadeed muujinaya inuu ka badbaado dhib noloshiisa haysatay, waxaana ka muuqata niyad sami badan, maaha Mahad oo keliya ee bukaan diro badan ayaa jira oo sidan oo kale ula nool cuduro ama burooyin maskaxdooda ka soo baxa taas oo noloshooda werwer badan u keenta in badan oo ka midina way u geeriyoodaan ka dib marka ay awood dhaqaale u waayaan inay iska daaweeyaan.

Ismail Hussein Farjar

ismailhm@hotmail.com 

Hargeisa,

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories