HomeSomaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Qayb-galaysa Tartan Kubaddeed Oo Heer Caalami...

Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Qayb-galaysa Tartan Kubaddeed Oo Heer Caalami Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dhabeeyeHargeysa, (SLP)- Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa sheegay in Somaliland ay ku guulAysatay markii ugu horeysay inay ka qAyb-gasho tartan kubadda cagta ah oo heer caalami ah, kaasoo ka dhici doona wadSanka Ingiriiska dhamaadka bishan.

Agaasimaha guud oo Maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka war-bixiyey tartankan iyo qaabka Somaliland ay uga qayb-galayso, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas faahfaahinaya. “Waxaan maanta aan halkan iskugu kiin yeedhay inaan ka war-bixiyo tartan heer caalami ah oo Somaliland markii ugu horeysay ay ka qeyb-gali doonto tartan kubadda cagta ah oo ka qabsoomaya dalka

Ingiriiska, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan ilaa labaataneeyo kooxood oo wadamada Afrikanka ah u badan magaciisana la yidhaahdo African Nations Cup ujeedadiisuna tahay dadyawga adduunka iyo qoomiyadaha la isku dhex-galiyo oo lagula dagaalamo midab takoorka iyo cunsuriyada. Waxaana arrintaas dagaal weyn ka galay dhallinyaro reer Somaliland ah oo degan dalka Ingiriiska oo uu ugu horeeyo wakiilka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dalka UK Jaamac Olol iyo Asxaabtiisa”.

Agaasime Dhabeeye ayaa sidoo kale sheegay wadamada Somaliland ay isku Group-ka yihiin “Isku aadka tartankan oo maalintii Jimcihii lagu sameeyay garoonka weyn ee Wembley Stadium, iyada oo laga sii daayay Telefishano caalami ah oo uu ka mid yahay Sky Sportd Tv waxaana halkaas ka muuqata in Somaliland ka qeyb-gasho tartan heer caalami ah oo kubadda cagta ah oo markii ugu horeysay dadka reer Somaliland iyo calankoodaba laga dhex arko dalal kale oo waa weyn oo adduunka ka mid ah. Waxaana Somaliland ay la Group tahay wadamada Nigeria, Kenya, Brundi iyo Rwanda. Waana 20 kooxood oo afar group ah, waxaana tartankaasi uu bilaabmi doona 30-ka bishan” ayuu yidhi.

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ayaa u mahad-naqay dhallinyarta reer Somaliland ee ku guuleystay in tartankan Somaliland ka qeyb-gasho, ka wasaarad ahaana ay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba “Waxaan u mahad-naqaya una hambalyeynayaa dhallinyarada reer Somaliland ee ku nool wadanka UK ee dedaalkaas samaysay, mana aha markii ugu horeysay ee Jaamac Olol iyo kooxdiisu ay sameeyaan waxaa jiray dedaalo hore oo fara badan oo ay isku dayeen oo ay ka mid tahay inay culeys saareen xidhiidhada kala duwan ee adduunka, sida xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA wadamada kale ee Yurub-na iyo dalal kale oo badana qadiyada iyo Sports-ka Somaliland ay gaadhsiiyeen, waanu ku hambalyeynaynaa dedaalkaas ay muujiyeen ka wasaarad ahaana waxaanu ballan-qaadayna in wixii guubaabo iyo garab-gal ahba inaanu diyaarin doono wixii nagaga soo gudboonaado, waayo waa guul weyn in markii ugu horeysay in calanka Somaliland laga taago garoonka weyn ee Wembley, waxaana faraya bulshada reer Somaliland ee ku nool UK inay taageero la garab istaagaan oo ay ka qeyb-galaan kulamada ay ciyaarayaan” ayuu ku soo gunnaanaday Agaasime Dhabeeye hadalkiisi.

Tartankan ka qaybgalkiisa Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa laga dheehanayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka iyo barraha bulshadu isku aragto ee Facebook iyo Twitter.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories