HomeSomaliland Oo Markii U Horeysay Yeelanaysa Xeerka Aataarta Qadiimiga ah

Somaliland Oo Markii U Horeysay Yeelanaysa Xeerka Aataarta Qadiimiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Diyaarinta xeerkani waxa aanu u marney waddo dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan uu leeyahay” Dr. Sada Mire

Hargeysa (SLpost)-  Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) ayaa si wada-jira u soo diyaarisay Xeerka qabyo-qoraalka Aataarta qadiimiga ee “Somaliland Heritage ACT” oo lagu maamuli doono Aataarta qadiimiga ee ku duugan dalka.

blankXeerka qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga ee Somaliland Heritage ACT oo mari-doona nidaamka xeerarka dalka lagu maamulo,kaas oo marka la ansixiyo wax ka tari doona ilaalinta iyo daryeelida Aataarta Somaliland hoddanka ku tahay.
Munaasibadii loo sameeyey wareejinta xeerka qabyo-qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland ee ay soo diyaarisay hay’adda dhaxalka Geeska, “Horn Heritage Organization”, oo ay ku wareejisay Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa maalintii khamiistii ee ay bishu ahayd 4 May 2022 lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi ee Magaalada Hargeysa.

Madaxa hay’adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organization) Dr. Sada Mire, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay qabyo qoraalka Xeerka Aataarta qadiimiga oo dhammeystiran ay ku wareejisay Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska waxaanay tidhi, “Annaga Sharaf ayay noo tahay hawl nagu qaadatay muddo tobban sannadood ah oo ahayd sameynta Xeerka Aataarta qadiimiga ‘Somaliland Heritage Act’ oo aan aan la wadnay Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland inaan maanta Xeerkii Aataarta qadiimiga oo qabyo-qoraala oo dhammeystiran ku wareejino.Diyaarinta xeerkani waxa aanu u marney wado dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan ee aynu leenahy.waxa aanu kaashaney aqoon-yahano xeel dheer u leh sharciga iyo ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka Afrika iyo umadaha islaamka ah.”

“Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland ayaa ka shaqeyn doonta hirgelinta Xeerkan qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland.Xeerkani waa xeerkii ugu horeeyay ee dhaxalka dhaqanka ee Aataarta qaadimiga Somaliland loo sameeyo. Xeerkani waa mid la jaaqaadaya shuruucda iyo baaqyada caalamiga ah oo aaney lahayn waddano waa-weyn oo cilmi iyo dhaqaale-ba inaga hayn baddan weli. Ingiriisku (British) xitaa muu sameyn xeer arrimahan khuseeya.”Ayey tidhi Dr. Sada Mire.

Garyaqaan Mustafe Maxamed Daahir oo ka mida garyaqaanada Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland, ayaa sheegay qiimaha uu xeerkani u leeyahay Somaliland, iyo sida aynu ugu baahnayn, waxaanu yidhi, “Xeerkan Aataarta qadiimiga Somaliland qaranku uu u baahna, dunida kale ee inaga horeysaaba sidaa ayay xeerar ugu sameysataa ciddii ku gafta, qaabka loo ilaalinayo, qaabka loo diwaan-geliyo iyo qaabka loo kaydinayo iyo ciddii wax yeesha ama dhibaataysa Aataarta qadiimiga iyadana talaabada sharci ee laga qaadayo ayuu runtii xeerku macno ahaan ka hadlayaa”

Guddoomiyaha guddi Hoosaadka khayraadka dabiiciga ee Golaha Wakiillada Somaliland Mubaarik Muuse Ismaaciil “Dhalaal” ayaa u mahad-celiyay hay’adda dhaxalka Geeska, “Horn Heritage” iyo Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somailand inay sameeyaan xeerka qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland oo uu sheegay inay guddi ahaan soo akhrin doonaan ka hor inta aanu qabyo qoraalka Xeerka Aataartu gaadhin Golaha Wakiillada Somaliland.

Agaasimaha Waaxda Aataarta qadiimiga ee Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraahim oo hakaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyay Madaxa hay’adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organization) Dr. Sada Mire “Xeerkanina waxaan rajaynaynaa Inuu u gudbi doono oo ay ansixin doonaan Golaha Wakiillada Somaliland iyo Golaha Wasiiraduba marka uu gaadho, waana Xeer qiimo weyn qaranka u leh”.

Agaasimha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Xamse Xamud Guuleed ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii qabyo qoraalka Xeerka Aataarta qadiimiga uu sharci rasmiya u noqon lahaa, waxaanu yidhi “Xeerka Aataarta qadiimigu waa Xeer aad u muhiima, maah xeer uu qaranki lahaa, Maanta Xukuumadddii, Hay’adda dhaxalka Geeska, “Horn Heritage” iyo Golihii Wakiilladu-ba way joogaan,waxay muujinaysa muhiimada uu xeerkani qabyo-qoraalkiisu na ina horyaalo, insha ALLAAHU waanu ka shaqqeyn doonaa sidii uu u noqon lahaa Sharci dhammeystiran, Waayo inaga ayaa ku liibaani doona dalkeenuna hore ayuu u socon doonaa. Cidkasta oo ku lug yeelataa qabyo qoraalka xeerka Aataarta qadiimiga waanu la kaashan doonaa, hadafka guud waxa weeyaan inuu qaranka Somaliland uu horumaro,”

Muddadii uu socdey sameynta xeerkani waxa wax ku kordhin, dhimis iyo dib-u-eegis ku sameynayey aqoonyahano, masuuliyiin, sharciyaqaano reer SOMALILAND ah si xeerku noqdo mid aan ka hor imanin Dastuurka Jamhuuriyadda, dhaqanka, Diinta iyo sharciyada inoo yaal. Maantana ay sii ambaqaadi doonto Wasaaradu wada tashi buuxa oo lagu dhameystirayo sharcigan.

Hay’adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) ayaa mar kale dib u daah-furtay Matxafka foogaan Araga ee dhijitaalka oo mabda’iisu yahay uruurinta iyo ilaalinta Aasaarta qadiimiga ah, dhaqanka, xirfadaha, kal-tiriska, iyo teknoolajiyadda ay soo hindiseen umadda Geeska Afrika muddo qarniyo taxan.
Matxafkani waa xarun wax lagu kaydiyo hidaha iyo dhaxalka dhaqanka Gees-ka Africa (Somaliland, Ethiopia, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti).
Ururka Horn Heritage Organization waxa u suurto-gashay inuu noqdo ururkii ugu horeeyay ee Laas-Geel ka dhiga dhijjitaal sannadkii 2013, noqdana ururkii ugu horeeyey ee Somaliland ka dhisa matxafka foogaan Araga ee dhijitaalka ee Somaliland iyo Geeska Afrika.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories