HomeSomaliland oo markii u horeysay laga hirgelinayo Maktabad u Gaar ah Garsoorka,...

Somaliland oo markii u horeysay laga hirgelinayo Maktabad u Gaar ah Garsoorka, Judiciary Library

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ahna Ku Simaha Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cumar Geele, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Maktabadda Garsoorka (Judiciary Library).

blankGuddoomiye Maxamed Cumar Geele waxa dhagax-dhigga dhismaha Maktabadda oo laga hirgelinayo gudaha Maxkamadda sare ku wehelinayey guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Guuleed, Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne), Axmed Haybe Col-u-joog oo ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Inj Caydaruus Maxamed oo ka socday Hay’adda UNDP iyo Inj Nuur Jaamac Caraale oo ah maamulaha shirkada Future oo ku guulaysatay hirgalinta dhismaha Maktabada Garsoorka.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay oo faah-faahin ka bixiyay dhismaha Maktabada Garsoorka Axmed Haybe Col-u-joog oo ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaanu tibaaxay in mashruucan ay ka baaraan-dageen oo ay sugeen qaabka uu noqonayo, si bulshadu u intifaacsato.

Maamulaha shirkada Future Inj Nuur Jaamac Caraale ayaa balan-qaaday in ay shirkadoodu dhismahan sida ugu tayada saraysa u fulin doonto, waxaanu xusay in dhisme tayo leh oo raacaya nidaamka loo jideeyay ay binayn doonaan.

Waxa sidoo kale ka hadlay madasha Inj Caydaruus Maxamed oo ka socday Hay’adda UNDP oo mashruuca ay soo dhex mariyeen midowga Yurub iyo dawladda Sweden oo maal-galiyay waxaanu sheegay in qandaraaskan si cadaalad ah loo maamulay, waxaanu shirkada qandaraaska ku guulaysatay kula dardaarmay in wakhtiga mudaysan ee loo asteeyay in lagu hirgaliyo dhismaha ay ku dedaalaan maadaama Ramadaana ku jirto saddexda bilood ee loo jaan-gooyay.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Guuleed ayaa geestiisa sheegay in sharaf weyn ay u tahay in ay ka soo qayb galaan dhagax-dhiga dhismaha Maktabada Garsoorka (Judiciary Library), waxaanu sheegay in mashaariicda qandaraaskani kamidka yahay si hufan loogu tartamay oo shuruucda ay ku hagaan loo raacay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ahna ku-simaha guddoomiyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cumar Geele oo soo xidhay munaasibada dhagax dhiga Maktabada Garsoorka, ayaa u balan-qaaday shirkadda dhisaysa in habeen iyo maalinba diyaar loola yahay in ay hawshooda dhisida wadan karaan, waxaanu kula dardaarmay in ay u dhisaan si lexe-jeclo leh oo ay xil badan iska saaraan, halka guddida qandaraasyada iyo wasaaradda hawlaha guudna uu u soo jeediyay in ay u kor-meeraan si lexe-jeclo leh. Ugu danbayn waxa uu xusay in goobtani tahay goob muhiim ah oo dadka iyo dalkaba u soo korodhay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories