HomeSomaliland oo markii u horeysay laga daah-furay Mashruuc lagu maamuusayo Shaqaalaha Dowladda...

Somaliland oo markii u horeysay laga daah-furay Mashruuc lagu maamuusayo Shaqaalaha Dowladda ee Daacadda ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta lagu daah-furay mashruuc noociisu ku cusub yahay mandaqadda Geeska Afrika, kaas oo loogu talo-galay in lagu maamuuso, laguna dhiirri-geliyo Shaqaalaha dowliga ah ee si hufan oo daacadnimo leh ugu adeega bulshada.

Mashruucan oo Hal-ku-dhiggiisu Astaanta Daacadnimada oo hore looga soo fuliyey in ka badan 10 waddan oo adduunka ku yaalla oo ay fulintiisa iska kaashanayaan ururka maxalliga ah ee ISIR iyo ururka Accountability Lab, ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Hargeysa, waxaana furitaanka mashruuca lagu marti-qaaday qaybaha kala duwan ee Saxaafadda dalka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha qoyska, ururrada Media-Ink iyo SOYDAVO.

blankMashruucan ayaa qayb ka ah Dhaq-dhaqaaq caalami ah oo ay hoggaamiso hay’ad lagu magacaabo Integrity Icon, kaas oo ah mid lagu dhiirri-geliyo Shaqaalaha dowladda Somaliland ee loo aqoonsado inay si daacad iyo hufnaan ah u gutaan shaqadooda.

Kulanka maanta lagu daah-furay munaasibadda, waxa hadallo ka jeediyey Axmed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta Mashruucan , waxaanu faahfaahin ka bixiyey Ujeeddada laga leeyahay mashruucan, muddada uu socon doona iyo qaabka ay u dhacayso xulashada shaqsiyaadka hawl-karnimadooda iyo daacadnimadooda shaqada lagu maamuusi doono.

Axmed waxa uu sheegay in mashruucani dalka ka socon doono 6-da bilood ee soo socda iyadoo bulshada qaybaheeda kala duwan loo soo bandhigi doono inay u codeeyaan shaqaalaha dowladda ee hufnaanta shaqo iyo Daacadnimadooda loo bogay.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Axmed Cali oo Sharraxaad ka bixinaya ujeeddada Mashruuca

Mashruucan oo markii u horeysay bilowgiisa laga fuliyey Waddan Nepal ee qaaradda Asia, ayaa xilligan ka tisqaaday 13 waddan, kuwaas ay ka mid yihiin Liberia, South Africa, Maraykanka, Zimbabwe, Marocco, Nigeria, Mali, Mexico iyo Pakistan.

Ujeeddada Ololaha caalamiga ah ee Integrity Icon, ayaa lagu sheegay sidii loo abuuri lahaa dad ku dayasho mudan oo la abaal-mariyo shaqaalaha dawladda ee daacada ah Si loo dhiirigaliyo dhalinyarada, isla markaana loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa iyo sinnaan-la’aanta oo ku yimaadda daacadnimo la’aan ka jirta Shaqada gudaheeda.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories