HomeSomaliland oo Marin u noqotay Ganacsi Sharci-darro ah oo isaga kala gudba...

Somaliland oo Marin u noqotay Ganacsi Sharci-darro ah oo isaga kala gudba Bariga Afrika iyo Dalalka Khaliijka Carab iyo Fadeexado ku lammaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Somaliland, ayaa la sheegay inay marin u noqotay ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee xayawaannada Dugaagga iyo Duurjoogta laga tahriibiyo Dalalka Bariga Afrika, sida ay sheegtay warbixin ay soo saareen laba hay’adood oo ka shaqeeya Daryeelka iyo Xannaanada Xayawaanka.

 

Four Paws oo ah hay’ad Caalami ah oo ka shaqaysa Daryeelka Xayawaanka iyo hay’adda Cheetah Conservation Fund oo u gaar ah daryeelka xayawaanka Harim-cadka, ayaa war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen dhawaan, waxay ku sheegeen in Somaliland marin laga tahriibiyo u tahay xayawaanka Duurjoogta ah ee loo sida sharci-darrada ah loogu iib-geeyo dalalka Khaliijka Carabta.

 

blank

 

Sida warbixinta lagu sheegay waxa dhawaan gacanta lagu dhigay 29 Harim-cad dhal ah oo la badbaadiyey, taas oo fashilisay sida ay gudaha Somaliland ugu soo bateen silsillado Isku xidhan oo si qarsoodi ah uga ganacsada Duurjoogta iyo Xayawaannada dalka.

 

Ka-ganacsiga Harim-cadka cago-baruurrka, ayaa warbixintu sheegta inay si dhiirri-geliyeen dalabaad iyo suuq dhaq-dhaqaaqiisu sii xoogaystay oo looga helay waddamada Carabta oo guryaha lagu dhaqdo sida xayawaanka Dad-la-noolka ah.

 

Baadhitaan ay samaysay hay’adda CCF, ayaa lagu sheegay in sannad-kasta loo tahriibiyo dalalka Carabta ku-dhawaad 300 oo Harim-cad ah, iyadoo guud ahaan caalamka inta la ogyahay ku sugan yihiin 7,500 Harimcad ah oo duurka ku jira, in kasta oo tiradaasi ahayd in ka badan 100,000 Qarni ka hor, sida baadhitaanka lagu ogaaday.

 

“Harimcad-ka ama dugaagga kale ee keymaha ku nool in loo dhaqdo sida xayawaanka dab-joogta ah maaha oo kaliya halis axmaqnimo ah oo xayawaanka lagu hayo, balse sidoo kale waxay khatar ku tahay nolosha dadka Iska leh ama kuwa kale ee ay isa-soo gaadhaan. Intaas waxa dheer waxay arrintani dhiirigelinaysaa inay sii socdaan ganacsiyada sharci-darrada ah ee lagu hayo,” Sidaa waxa tidhi Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee hay’adda Four Paws, Loana Dungler.

 

blank

 

Ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee Xayawaanka Harimcadka ah, ayaa la rumaysan yahay inuu ka soo bilaabmay dalka Itoobiya, Woqooyiga Kenya, Somalia iyo Somaliland, waxaana inta badan laga tahriibiyaa Xeebaha Somaliland, sida ay sheegtay haweenaydan oo intaas ku dartay inaan la ogaan karin tirada xayawaanka la tahriibiyey sababo la xidhiidha nidaamka ganacsigan oo si qarsoodi ah loo fuliyo.

 

29 Harimcad ee la badbaadiyey ayaa xilligan lagu hayaa meel ammaan. In kasta oo xukuumadda Somaliland go’aamisay in Harimcad-ka la tahriibinayo lagu haynayo gudaha dalka, waxa ay hay’adda CCF sheegtay inay si dhaw ugala shaqaynayso hay’adaha dalka ku sugan ee arrimahan ka shaqeeya iyo kuwa caalamiga ah sidii xayawaanka loo siin lahaa daryeel caafimaad oo heersare ah iyo cunto ku filan oo dheeli-tiran, sida uu sheega Guddoomiyaha hay’adda CCF Dr Laurie Marker.

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Somaliland oo weriye ka tirsan Somalilandpost.net la xidhiidhay, ayaanay noo suurto-galin inaanu wax jawaab ah ka helno, haseyeeshee, waxa inta lagu eedeeyaa inay ku lug-leedahay ka-ganacsiga xayawaanka Duur-joogta ah, iyadoo gudaha dalka ay ka ugaadhsadaan shaqsiyaad Carbeed oo la sheego inay si qarsoodi ah ugala baxaan dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo dhawaan ka hadlaysay arrintan, ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay inay wasaarad ahaan wax ka ogyihiin, balse waxay xustay inay ka go’antahay xakamaynta iyo wax-ka-qabashada Ganacsiga noocan ah.

 

Dhinaca kale, Gudaha Somaliland, ma jiraan seerayaal u gaar ah oo loogu talo-galay xannaanaynta Duurjoogta, waxaanay arrintani inta badan sababtaa inaanay daryeel caafimaad oo ku habboon helin xayawaanka soo gala gacanta dowladda, gaar ahaan Harimcad-ka oo inta badan laga reebo shaqsiyaad sifo sharci-darro uga ganacsada.

 

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories