HomeSomaliland oo mar kale Joojisay Isticmaalka BACAHA oo hore loogu guul-darraystay iyo...

Somaliland oo mar kale Joojisay Isticmaalka BACAHA oo hore loogu guul-darraystay iyo Sababaha loo aanaynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shaacisay in dalka laga joojiyey soo-dejinta iyo Ka-ganacsiga Bacaha oo Halis weyn ku haya Bilicda Magaalooyinka, deegaanka iyo Xayawaanka la dhaqdo.

blankGo’aanka ay maanta shaacisay xukuumadda Somaliland, ayaa daba-socda dhaqan-gelinta iyo dib-u-cusboonaysiinta wareegto sannadkii 2015 dalka laga joojiyey Soo-dejinta iyo Ka-ganacsiga Bacaha, taas oo markii dambe dhaqan-galkeedu aanu shaqaynin.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya dalka laga joojiyey ka-ganacsiga iyo soo-dejinta Bacaha, iyadoo xukuumaddu ay dib u dhaqan gelisay wareegto ka soo baxday xukuumaddii Madaxweyne Silaanyo sannadklii 2015-kii taas lagu mamnuucay soo dejinta, ka-ganacsiga iyo isticmaalka Bacaha.

Sida uu Wasiirku sheegay, Kulan ay isugu yimaadeen Guddida bilicda ee heer Qaran ayey ku go’aamiyeen laga bilaabo shalay in la joojjiyey adeegsiga iyo ka ganacsiga Bacaha.

“Guddidu waxa ay go’aamisay in la dhaqangeliyo wareegtadii madaxweynaha ee soo baxday bishii April ee sannadkii 2015 Taasi oo mamnuucaysay soo dejinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo aan sheegin muddo cayiman oo ganacsatada iyo Meheradaha lagu iibiyo Bacaha ku dhammeeyaan Bacaha maadaama lacag adag lagaga soo iibiyey.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in cidii lagu arko laga qaadi talaabo sharci oo ay ciqaab ku mutaysanayaan, waxaanu ka digay in masuuliyiinta dawladda iyo kuwa dhaqanku ay u gargaaran dadka jebiya sharciga lagu joojiyey isticmaalka, ka ganacsiga iyo adeegsiga bacaha.

Wareegtada ku-dhaqankeeda dib loo hirgeliyey wakhtigan, waxa uu madaxweyne Siilaanyo xilligaas ku amray Ganacsatada in Bacaha wakhtigan ku jira ee yaala Bakhaarrada lagu dhameeyo muddo 120 maalmood ah wixii ka dambeeyana aan dalka loo soo dejin doonin.

Haseyeeshee, amarka xilligaas laga soo saaray Isticmaalka Bacaha muu noqon mid hirgalay sababo la xidhiidha cabashooyin ka soo yeedhay ganacsatada dalka iyo hay’adaha dowladda ee arrintan loo xil-saaray oo ka gaabiyey.

blankWasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka iyo reer Guuraagaaga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo toddoba bilood kaddib markii go’aankaasi soo baxay ka hadashay sababaha hortaagan dhaqan-galka wareegtada madaxweyne Siilaanyo, ayaa arrintaas u sibir-saartay masuuliyad-darro ay ku eedaysay ganacsatada dalka, Rugta Ganacsiga iyo Dowladaha Hoose ee dalka.

Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo mar kale arrintan ka hadashay bishii December sannadkii 2020-kii, waxa ay sheegtay in lagu guul-darraystay ka midho-dhalinta wareegto madaxweynihii hore ee Somaliland ka soo saaray soo-dejinta iyo ka-ganacsiga Bacaha, waxaanay sababteeda u aanaysay xil-gudasho la’aan ka jirta hay’adaha dowladda qaarkood oo ay sheegtay inay ka gaabiyeen.

Marwo Shugri Baandare waxa ay sheegtay in inkasta oo la xidhay wershadihii soo saari jiray Bacaha haddana ay dhammaan hay’adihii arrintan ku shaqo lahaa oo wasaaraddeedu ku jirto ku guul-darraysteen joojinta Bacaha oo si qarsoodi ah lagu soo gelin jiray dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories