HomeSomaliland oo Mar kale jawaab ka bixisay Warbixin Xaasaasi ah oo looga...

Somaliland oo Mar kale jawaab ka bixisay Warbixin Xaasaasi ah oo looga Gudbiyey Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Jawaab ka bixiyey warbixin ku eedaysay inay cabudhiyo xoriyatul-qawlka iyo axaasabta mucaaradka ah ee dalkeeda, taasoo uu Ergayga Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, uu u gudbiyey Golaha Ammaanka Qaramada, waxaanay Xukuumaddu ku doodday inaanay eedayntaasi ahayn mid dheeli-tiran oo xaqiiqada ka hadlaysa,.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalka Nicholas Kay ku sheegay in xubno Mucaaradka ka tirsan la xidhay.

Wasiir-ku-xigeenka oo arrintan ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Nickals Kay, hadalka uu yidhi, waa hadalkii uu ka jeediyay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, war-bixintiisana waxa uu kaga hadlay xafiiskiisa UNSOM oo aan ilaa hadda ka furnayn (Somaliland), taasi oo sababtii aanu u diidnayna ahayd mid cad, maadaama oo aanu xafiiskiisu ka shaqeynayn waxyaabaha aynu innagu doonayno ee uu ku shaqeynayo lixda qodob ee dawladda Soomaaliya ku shaqeynayso, taasi waynu diidnay.”

wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda somaliland MawliidWasiir Ku-xigeen Karraani waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Laakiin, waxaynu oggolaannay dhinaca caawimada, sida UNDP, UNICEF iyo wixii kale ee hay’addo UN ah jooga ee horumarka inagala shaqeynaya oo isaga hoos yimaada, ayaynu ogollaanay inay sidoodii caadiga ahayd.”

“Hadalka Nickolas Kay ku sheegay War-bixintiisa ee ahayd in qaar ka mid ah Mucaaradka (Somaliland) dalka lagu xidhay, wax ka jiraa ma jiraan, intii xukuumaddani jirtayna qof Mucaarad ah la xidhay oo jeelka loo gudbiyey may dhicin, waayo waxaynu qaadanay habka dimuqraadiyadda oo aan ka noqosho lahayn, waxaanan u soo jeedinayaa in Nickals kay uu iska hubiyo marka war-bixintaas oo kale loo soo gudbiyo oo uu iska xaqiijiyo,” ayuu hadalkiisa intaas raaciyey Wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland.

Wasiir Ku-xigeenka oo la weydiiyay waxa uu ka odhanayo warar sheegaya in sababta Safarada Wasiirka arrimaha dibaddu ugu baxo dalalka dibadda isaga oo ay weheliyaan wasiirro kale ay tahay shaqada oo wasiirka ku cuslaatay, ayaa ku jawaabay, “Wax ka jiraa ma jiraan inay ku cuslaatay Wasaaraddii arrimaha dibaddu, Wasiir Maxamed Biixi-na waa wasiir weyn oo da’diisa iyo waayo-aragnimadiisuba u saamaxayaan wax badan oo adduunka ka jira, markaa wax culays ah oo shaqada ka haystaa ma jiraan.”

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya oo madax ka ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo UNSOM Nicholas Kay, ayaa toddobaadkii hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin uu ka jeediyey ku daray inay Xukuumadda Somaliland culays ku hayso Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, isla markaana ay jiraan Xubno Mucaaridka ka tirsan oo ay Xukuumaddu xidhay.

Hadalkan Wasiir Ku-xigeenku ayaa noqonaya jawaabtii labaad Xukuumadda Somaliland ka bixiso warbixintaas, waxaana hore arrintan uga hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories