HomeSomaliland Oo Mamnuucday Xayaysiinta Dhakhaatiirta

Somaliland Oo Mamnuucday Xayaysiinta Dhakhaatiirta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Hay’adda mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland ayaa soo saartay awaamiir ay ku mamnuucday xayaysiinta warbaahinta laga sii daayo ee dhakhaatiirta, cisbitaallada, iyo rugaha caafimaadka.

Dr Axmed Xaashi Oday Guddoomiyaha hay’addaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay amaradaasi oo ku tilmaamay kuwo lagu ilaalinayo caafimaadka dadweynaha.

Wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo ugu horeyn weydiiyay waxa ku kallifay tallabadan, wuxuu yidhi “Waxa nagu kelifay markaanu aragnay qof waliba wuxuu doono inuu sheeganayo oo dhakhtar uu leeyahay 10 cudur ayaan wada aqaanaa oo waxyaabo mamnuuc ah dhakhaatiir ahaan  in idaacadaha laga sii daayo ayaanu go’aan wada gaadhnay anaga iyo wasaaradda caafimaadka oo ah xayaysiis dambe inaanu jiri doonin, ciddii dhakhtar dibadda ka keenaysanaysaa marka loo sharciyeeyo halkiisa waa la yaqaanaa cisbitaalkaas, laakiin Dr. hebel ayaa waxaas iyo waxaas ka shaqaynaya waa la joojiyay waana mamnuuc.”

Mar la weydiiyay inay warbaahintu la qaadatay in la joojiyo xayaysiiska dhakhaatiirka wuxuu yidhi “Runtii intooda badani way nala qaadatay, laakin digniinta aan warbaahinta u sheegayaa waxa weeye, dhakhtarkan aad xayaysiinayso lacag yar oo la idin siinayo umadiina ha ku iibsanina in badan oo horena waanu u sheegnay oo xataa  soo weydii hay’adda caafimaadka oo miyaad liisan ka sidataa xataa hadduu Haa ku yidhaahdo ayaanay ahayn in la xayaysiiyo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa la weydiiyay inay ogolaansho xayaysiis siin karaan dhakhtarka shuruudaha buuxiya, wuxuu yidhi “Runtii annagu horta xayaysiiskaba waanu mamnuucnay, waxaanan u ogolaan karnaa haddii la yidhaahdo oo keliya Dr. Hebel ayaa yimid oo cibsitaalkaas fadhiisanaya, laakiin kan iyo kan ayuu yaqaanaa waxaas looma baahna oo waanu joojinay.”

Isagoo ka hadlaya halka ay diiwaangelinta goobaha caafimaad u marayso wuxuu yidhi “Had iyo goor meelaha gaarka loo leeyahay ayaa dawladda ka horeeyay markaas iyadoo meel walba la furay ayaynu xeerkii iyo sharcigii samaynay oo sharcigii ayaa daba socda halkii ay ka ahayd inuu sharcigu horeeyo,markaas meel fiican ayay noo maraysaa hadda meelaha caafimaadkana meel aan warkayagu oolin ma jirto, meel aan dhakhaatiirta aan qaar naga diiwaangashanayn ma jirto meelaha kalena imika ayaanu wadnaa.”

Wuxuu Dr. Axmed Xaashi ugu dambayn dadka reer Somaliland ugu baaqay inay iska hubsadaan goobaha caafimaad ee ay tagayaan islamarkaana aaminaan dhakhaatiirta waddaniga ah “Waxaan leeyahay dadka meeshaad tagaysaan iska hubsada.” ayuu yidhi.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories