HomeSomaliland oo Maamul-gobaleedka Puntland ku wareejisay Nin Fal-dambiyeed ka Geystay Garoowe

Somaliland oo Maamul-gobaleedka Puntland ku wareejisay Nin Fal-dambiyeed ka Geystay Garoowe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia si rasmi ah ugu wareejisay eedaysane ka tirsane Wax ka maleegay dilkii Marxuum Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dhulka Soomaalidu degto.

Sheekha ayaa Masjidka Al-Badr ee badhtamaha magaalada Garowe lagu diley 15-kii Bishii hore xilli uu tukanayey Salaada Casar.

Ninkan oo Ciidamada Ammaanka gobolka Sool gacanta ku dhigeen markii uu firxad ku soo galay gudaha Somaliland maalmo ka dib hawl-galka lagu khaarajiyey Sheekh Gacamey, ayaa shalay lagu wareejiyey masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

ffffDhegar-qabaha ku eedaysan inuu ka qayb-qaatay dilkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Cismaan Axmed (Caynte), ayaa Maamulka iyo Ciidamada Qaranka ee gobolka Sool iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland kula kala wareegeen deegaanka Gambadha ee Bariga Sool oo fadhiisin u ah Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

Masuul ku hadlayey Afka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Maamul Gobaleedka Puntland, ayaa sheegay inay faraxsan yihiin sida wacan ee Xukuumadda Somaliland uga qayb qaadatay qabashada gacan ku dhiiglayaashii gaystay Dilka waddaadka, “Waxa aad ugu mahad-celinayaa dhammaan Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland oo si wacan oo Islaanimo ah uga qayb qaadatay dadkii gacan ku dhig layaasha ahaa ee waddaadkii Dilay, kuwaas oo ku kacay dil fawaash-xumo ah oo ku xun Islaanimadeena, markaa waxa wacan in Bulshada kala duwan ee Gobaladan ku nool ay iska kashadaan xagga ammaankooda oo labada dhinacba dan u ah,”ayuu yidhi Masuul ku hadlayey Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka Puntland.

Ninkan lagu wareejiyey maamulka Puntland, ayaa la sheegay in maanta subaxnimadii laga qaaday  magaalada Laascaanood oo uu ku xidhnaa tan iyo wakhtigii la qabtay oo uu firxad ku soo galay magaaladaas.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories